Siyaasiga Cabdiqaadir Obsiiye Oo Musharraxiinta Xisbiyada Ku Marti-qaadaya Kulan Ay Bulshada Ugu Soo Bandhigaan Barnaamijyadooda

0
1043

Siyaasiga Cabdiqaadir Cali Obsiiye, ayaa Musharraxiinta Madaxweyne ee Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ugu baaqay inay kala soo qayb-galaan kulan uu isagu Marti-qaadkiisa leeyahay, kaasi oo uu sheegay inuu doonayo in Musharraxiintu ay Bulshada ugu soo bandhigaan Barnaamijyadooda Siyaasadeed iyo Waxqabad.

Cabdiqaadir Obsiiye oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Somaliland u baahan tahay in Hoggaamiye Wanaagsan oo gaadhsiiya Horumar muuqda oo la mid ah ka ku tallaabsadeen Dalalka ay isku mar qaateen Xornimada.

Cabdiqaadir Obsiiye oo ugu horeyn ka hadlaya wuxuu aaminsan yahay inay Somaliland u baahan tahay ayaa yidhi, “Waxa la gaadhay Wakhtigii aynu ka dhaqaaqi lahayn halka aynu taaganahay ee ay inagaga tageen Dawladihii iyo Dadkii inala faca ahaa. Waxa la gaadhay Wakhtigii aynu ka kori lahayn oo aynu jebin lahayn deyrka innagu xeeran ee ah Qabyaalad, Nin Jeclaysi iyo Hunguri, taasina waxay ku imanaysaa in la igala eego fikirkan ee aan jeedinayo oo la qaadaa dhigo, la rog-rogo, hadday tahay Xukuumadda, hadday tahay Goleyaasha Qaranka iyo Bulshadaba.”

Siyaasi Cabdiqaadir waxa uu soo jeediyay in Musharraxiinta Madaxweyne ee Xisbiyadu kala qayb-galaan kulan uu Mart-qaadkiisa leeyahay, “Fikraddaasi waxay tahay in Cidda Hanka leh ee Hunguri ka hayo Hoggaanka ama Masiirka Ummadda Somaliland iyo Musharraxiintu inay iskugu yimaaddaan kulan aan Anigu kharashkiisa bixinayo, Sida (Musharraxiinta) UCID, WADDANI, KULMIYE iyo Aniga oo ah Musharrax Madax-bannaan, kulan-dooddeedkaana ay ku soo bandhigaan Barnaamijyadooda, waxaan ballan-qaadayaa hadday barnaamijkayga ka wanaagsanaadaan inaan iyaga ku daba-feylo, haddii kalena uu Shacabka iyo Madaxweynuhu ka gar-naqaan, waayo? Waxaynu u baahan nahay Madaxweyne wanaagsan oo Diin leh oo halkan aynu joogno innaga dhaqaajiya.”ayuu yidhi.