Madaxtooyada Oo Faahfaahin Ka Bixisay Dib-u-dhac Sababaysan Oo Ku Yimi Shirkii Tuxaan Bixinta Gobollada Bari Ee Burco Ka Qorshaysnaa

0
838

Madaxtooyada Somaliland, ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay halka uu ku dambeeyey shir uu madaxweyne Siilaanyo hore u iclaamiyey ee waxgaradka deegaanada Bariga dalka la doonayey inay iskugu yimaadaan, kaas oo ku muddaysnaa 25-kii bishan Octerb, balse dib u dhacay.

Afhayeenka madaxtooyada Xuseen Aadan Cige Deyr oo kadib safarkii uu madaxweyne Siilaanyo maalintii shalay dalka kaga baxay  shirkaas ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inuu shirkaasi dib ugu dhacay talo xagga madaxtooyada ka timi, isla-markaana dib laga shaacin doono wakhtiga rasmiga ah ee shirkaasi qabsoomi doono.

Afhayeen Deyr waxa uu sababta ugu weyn ee dib u dhigtay shirkaas ku sheegay abaaro ka jira gobollada bariga dalka, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu madaxweynuhu go’aansaday in shirkaas xilligan ku haboonayn in la qabto, waxana uu yidhi,Xuseen Deyr, “shirkii nabadaynta qaran ee magaalada Burco ka dhici lahaa 25-kii bishan ee madaxweynuhu gogosha ugu dhigay gobollada bariga, gaar ahaan Sool, Sanaag-bari iyo weliba Buuhoodle, madaxweynuhu isaga oo mudnaanta koowaad siinaya oo ka tabaabulshaysanaya wax kasta oo carqalad u keeni kara habsami-u-socodka shirkaas qaran, isaga oo  ogsoon in shir doceedyadii waayeelka gobolladda u baahan yahay in wakhti dheeraad ah la siiyo, isaga oo madaxweynuhu ka dheregsan baaqna kasoo saaray abaaraha baahsan eek a jira gobollada dalka, kuwaas oo dalka iyo duunyadaba dhibaato ku haya, qaran ahaana ay waajib inaga saaran tahay inaynu dalkeena iyo dadkeenaba u gurmanno waxa uu madaxweynuhu go’aansaday  in dib loo muddeeyo shirkii nabadaynta qaran ee burco ka dhici lahaa.”

Shirka baaqsaday, ayaa ahaa mid si weyn ay bulshada deegaanada bariga dalku u hadal hayeen, isla-markaana yididiilo badan lagaga qabay inuu soo afjari doono xurguf dhinacyada siyaasadda u badnayd oo deegaanadaasi xukuumadda ka tirsanayeen, balse dib u dhaca ku yimi ayaan la garan doonin sida uu u dhaawici karo rajadii dadkaasi qabeen.