Haweenay Miisaan Ku Lahayd Xisbiga WADDANI Oo Iscasishay, Guddoomiye Cirro-na Ku Eedaysay Inuu Xisbiga Ka Kireeyey Ashkhaas Dillaaliin ah

0
1347

“Xisbigii WADDANI maanta waxa ku bahoobay dillaaliin, kuwaas oo mid waliba gacanta u dhiibayo guddoomiye Cirro oo midkood leeyahay waxan jecelahay inaan xisbiga WADDANI ku aarsadee gacanta ii dhiib iyo mid leh reerkaygaa badane gacanta ii dhiib…..”Marwo Rooda Cabdi Muuse

Xog-hayihii dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee xisbiga WADDANI Md. Rooda Cabdi Muuse,ayaa gebi ahaanba xilkii ay ka haysay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iska casishay, waxana ay guddoomiyaha xisbigaas ku eedaysay inuu soo xaraystay koox dillaaliin ah oo mid waliba ujeeddo isaga gaar u ah wato.

Marwo Rooda oo warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa, ayaa ku eedaysay guddoomiye Cirro inuu si aan ka-fiirsasho lahayn u urursaday koox qawlaysato ah oo aan danta qaranka wadin, taasina keentay inay xisbigaas iskaga hulleesho,waxana iyada oo arrimahaas ka hadlaysa ay tidhi,“waxan idiin sheegayaa inaan iska casilay xilki aan ka hayey xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, is-casilaaddayda waxan bu-dhig uga dhigayaa laba arrimood oo kala ah, inay xisbigii WADDANI maanta ku bahoobeen dillaaliin, kuwaas oo mid waliba gacanta u dhiibayo guddoomiye Cirro, mid odhanaya guddoomiye waxan doonayaa inaan qaranimada Somaliland ka iibiyo e gacanta ii dhiib, mid odhanaya waxan doonayaa inaan xamar ka iibiyo qaranimada Somaliland ee gacanta ii dhiib, mid leh waxan jecelahay inaan xisbiga WADDANI ku aarsadee gacanta ii dhiib iyo mid leh reerkaygaa badane gacanta ii dhiib, guddoomiyahayguna intaba wuxuu noqday ninkii gacanta u dhiibay.”

Marwo Rooda waxa ay su’aal gelisay caddaaladda laga fili karo xisbiga WADDANI, maadaama uu hoggaanka xisbigu ku fashilmay inuu caddaalad ka dhex abuuro shacabka reer Awdal,“Hadii xisbigii WADDANI uu maanta Awdal u caddaalad-fali kari waayey waxan aaminsanahay inaanu Saaxil iyo Sool midna u caddaalad fali doonin.”ayey tidhi marwo Rooda.

Is-casilaadda xoghayaha ciyaaraha ee xisbiga WADDANI, ayaa kusoo beegmaysa xilli mawjado is-casilaado ahi ruxayaan xisbigaas, waxana si joogto ah maalmihii ugu dambeeyey xisbiga iskaga casilayey xubno tiro badan oo gobollo kala duwan kasoo jeeda, iyada sababtana lagu sheegayo caddaalad-darro ka dhacday shirkii golaha dhexe ee xisbiga ugu soo dhammaaday Hargeysa.