Gantaal nooca riddada dheer Ah Oo Lagu weeraray magaalada barakeysan ee Makka

0
868

Dowladda Sucuudiga ayaa ku eedeeysay fallaagada Xuutiyiinta ee dalkaasi Yemen in ay gantaal kuwa ridada dheer ah u soo rideen dhanka magaalada barakeysan ee Makka.

Wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in gantaalka lagu soo riday meel dhexe oo lixdan kiiloomitir u jirta magaalada barakaysan wax khasaare ahna aanu geysan.

Wakaaladdu waxa kale oo ay sheegtay in mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu hogaaminayo ee ka dagaalamaya Yemen, ay daqiiqado ka dib duqaysay goobtii laga soo ganay gantaalka.

Xuutiyuuntuse waxay sheegeen in gantaalka ay ku rideen oo ay la beegsanayeen madaarka caalamiga ah ee magaalada Jidda oo qiyaastii boqol kiiloo mitir u jirta magaalada Maka.