Af-hayeen Deyr Oo Si Cadho Leh U Deedafeeyey Wasiirrada Shaqadiisa Gacan-togaalaynta Ku Haya, Si Cadna U Sheegay Inuu Kaligii Afka Qaranka Iyo Midka Madaxtooyadaba Ku Hadli Karo

0
1003

Xuseen Deyr Oo Si Dadban Cadho Uga Muujiyey Wasiirro Shaqadiisa u Gacan dhaafa isaga oo xaadir ah

“Madaxweynuhu hal degreeto ayuu ku magacaabay hal afhayeen, kaas oo ah aniga, cidda afka madaxtooyada ku hadasha ayuunbaa afka qarankana ku hadlikarta”.Afhayeen Deyr

Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige(deyr), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xilkiisa afhayeennimo ee uu madaxtooyada ka hayo, waxana uu saluug ka muujiyey xubno kale oo shaqadiisa qabta.

Afhayeen deyr oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inuu isagu yahay qofka kali ah ee madaxweynuhu u igmaday inuu afkiisa ku hadlo, isla-markaana aanay jirin cid kale oo awoodaas lihi.

Sidoo kale afhayeen Deyr waxa uu diiday in cid aan isaga ahayni ku hadasho afka qaranka, isagoo hoosta ka xarriiqay inuu qofka madaxweynuhu u igmaday inuu magaca qaranka ku hadlo, maadaama oo uu wareegto madaxweyne ku magacaaban yahay,“madaxweynaha Somaliland laba koofadiyadood buu sitaa, mid waa masuulka qaranka ugu sarreeya, mar labaadna waa guddoomiyaha golaha wasiirrada, sidaas darteed madaxweynuhu isaga ayaa magacaaba xilka, madaxweynuhuna hal degreeto ayuu ku magacaabay hal afhayeen, afhayeenkaasina waa afhayeenkiisa madaxtooyada, kaas oo ah aniga, cidda afka madaxtooyada ku hadasha ayuunbaa afka qarankana ku hadlikarta”.

Afhayeenka, ayaa ka biyo diidsan xubno wasiirro u badan oo uu kamid yahay wasiirka warfaafintu, kuwaas oo dhawaanahan afka madaxtooyada ku hadlayey xilli uu afhayeenka laftiisu goob joog ahaa.

Xuseen Aadan Cige Deyr, ayaa dhawaanahan laga dareemayey cadaadis dhinaca shaqadiisa ah, waxana uu u arkayey in shaqadiisa ay afduubteen wasiirro madaxweynaha ay saaxiibo gaar ah yihiin, waxana marar badan oo arrintaas ka muujiyey cadho badan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani), ayaa inta badan isagu ku hadla afka xukuumadda Somaliland, waxana uu ku doodaa inuu Xuseen Deyr kaliya ku shaqo leeyahay xarunta madaxtooyada, balse afhayeenku taas kuma qanacsana.

Khilaafka ka taagan cidda ku hadli karta afka xukuumadda, ayaa Somaliland laga dareemayey maalmahan dambe, kadib markii uu dhawaan afka xukuumadda ku hadlay wasiir Cukuse xilli uu madaxweynuhu safar dibadeed kasoo noqday,waxana arrinta dab kusii shidaya hadalka Xuseen Deyr ee uu ku sheegayo inuu afka qaranka iyo midka madaxtooyadaba ku hadli karo kaligii.