Madaxweynaha Somaliland oo Ku Dhawaaqay Xaalad Abaareed Oo ka Taagan Bariga Dalka

0
907

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa baaq qaylo-dhaan ah ka soo saaray xaaladda abaareed ee ka taagan gobollada Bariga dalka, kuwaasi oo ay haatan xaaladoodda nololeed meel adag marayso.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay kulan lagaga wada tashanayay sidii gurmad deg-deg ah loola gaadhi lahaa dadka tabaalaysan ee ay haleeshay abaarta ka taagan gobolladda barriga oo shalay ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Hargaysa.Waxaanu madaxweynuhu baaq qeylo-dhaan ah u diray guud ahaanba wadamadda caalamka, jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, ururka midawga Afrika, urur goboleedka IGAD, jaamacadda carabta, iyo ururka midawga Yurub, in ay caawimo la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu haystaan oo u baahan kaalmo deg-deg ah.

Sidoo kale waxaa kulankaasi uu madaxweyne Siilaanyo ka iclaamiyay dalka oo dhan laga tukaddo salaad roob doon ah, iyadoo kulankaasina ay goob joog ka ahaayeen guddiga abaaraha ee heer qaran, oo isugu jira culimo, ganacsato iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirrada. Kulankaasi oo muddo saacado ah qaatay ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay Wasiirrada warfaafinta Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) iyo diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed iyo xubno ka mid ah guddiga abaaraha qaranka.
Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani), Wasiirka warfaafinta Somaliland oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay shirkaasi iyo arrimihii lagaga wada hadlay. Waxaanu yidhi “Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, waxaa uu maanta (shalay) kulan la qaatay guddiga abaaraha ee heer qaran, oo ka kooban culimo, ganacsatadda iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirrada.
Shirkaasi wuxuu ku saabsanaa, abaaraha ba’an, balaadhan, ee qaranka Somaliland maanta soo food saaray. ugu horayn madaxweynuhu halkaa duco ayuu ka sameeyay, culimadii, guddigii iyo Wasiirradii halkaa fadhiyay ayuu u duceeyay, qaranka jamhuuriyadda Somaliland-na wuu u duceeyay in ILLAAHAY (SWT) abaartaasi si deg-deg ah inooga kor qaaddo.”

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Waxa kale oo uu madaxweynuhu u mahad naqay guddigan khibradda badan u leh arrimaha abaaraha iyo sida dadka loo taakuleeyo, ee isugu jirta culimadii dalka, ganacsatadii, iyo golaha wasiirrada gudigan ka kooban. Waxaanu uga mahad celiyay sidii qiimaha lahayd ee abaarihii sanadkii hore dalka ka dhacay ay taakulaynta uga qayb qaateen, sidii looga gudbi lahaa iyo sida ay imika uga qayb qaadanayaan meelaha ay abaartu ka taagan tahay sidii loo gaadhsiin lahaa kaalmo deg-deg ah.”

Wasiir Cadaani, waxa kale oo uu sheegay in madaxweynuhu kulankaasi ka iclaamiyay baaq qaylo-dhaan ah. Waxaanu yidhi “Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ugu baaqayaa, guud ahaanba ummadda reer Somaliland meel kastoo ay ku nool yihiin-ba, iyo caalamka, dawladaha aduunka ka jirra iyo jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, ururka midawga Afrika, urur goboleedka IGAD, jaamacadda carabta, iyo midawga Yurub, iyo dhamaan-ba caalamka oo dhan waxa uu ugu baaqayaa in abaarro aad iyo aad u balaadhani ay soo food-saareen ummadda Somaliland, oo ay dadka iyo xooluhuba khatar ku jiraan.
Waxa uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqay dadka reer Somaliland iyo umadaha iyo dawladaha aduunka in caawimo deg-deg ah loola soo gaadho, dadkaasi ay abaartu ku habsatay.”

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in bulshadda looga baahan yahay in ILLAAHAY (SWT) danbi-dhaaf waydiistaan, isagoo farina u diray imaamyadda masaajidadda dalka iyo culimaw-diinkaba. Sheekh Khaliil, oo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Waxaa la inooga baahan yahay marka hore in aynu ka noqono waxan ILLAAHAY (SWT) inagu ciqaabayo oo ah danbigeenii, oo runtii sabab u ah waxyeeladda ina soo gaadhay. Talladda madaxweynaha waxaa ugu horaysay in aynu ku baaqno salad Roob Doon ah in dalka oo dhan laga tukaddo. Waxaananu halkan ka iclaaminaynaa dadku todobaadkan aynu ku jirno, ilaa Arbacadda soo socota ay noqoto maalinta aynu tukanayno salaadda roob Doonta ah.
Waxaanan faraynaa oo aanu u sheegayaa in masaajidadda laga tukado salad Roob Doon ah, oo ay imaamyadda masaajidadu ay ILLAAHAY (SWT) dadka ku xidhaan, oo ay wacdiyaan, kana wacdiyaan dulmiga iyo dhibaatadda ay galeen, oo ay ILLAAHAY (SWT) danbi-dhaaf ka baryaan, isla markaana ay salaadaha oo dhan ku ducaystaan ducadda loo yaqaano Qunuud. Marka ay dhibaato jirto ILLAAHAY (SWT) ayaa la baryaa, sidaas ayaanan faraynaa masaajidadda dhammaantood.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay-na waxa uu yidhi “Sidoo kale waxaan faraynaa dhamaanba culimadda iyo immaamyadda masaajidadda dalka in maalinta Arbacada ah ee soo socota in aynu wadda Soonno, oo aynu toobad keenno, oo aynu ILLAAHAY (SWT) ka cabsanno, oo wixii dulmi ah ee aynu gacmaha ku kala haysano iska celino, haddii ay dhiig tahay la iska saamaxo, haddii ay maal tahay la isku celiyo, haddii ay xan iyo been tahay-na la isa saamaxo, isla markaana la tukaddo salaadii Roob doonta ahayd.” Sidoo kale Sheekh Xasan C/salaam oo ka mid ah gudiga abaaraha ee heer qaran oo isna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi “Inagu ugu horayn waxaa inala gudboon in aynu ILLAAHAY (SWT) barinno, oo aynu baryadda ILLAAHAY (SWT) aad u badino, waa ta koowaad. Ta labaad waxaa inala gudboon naxariista dhexdeena ah, marka aynu isku naxariisano ayay naxariista ILLAAHAY-na (SWT) imanaysaa”.

Geesta kale guddoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan anigu baaqayga ku gaar yeelayaa nimanka aan odayga u ahay ee ganacsatadda Somaliland, waxaa hanti ah ee ILLAAHAY (SWT) inoo dhiibay, waa wax aynu ummadeena ka tabcanay, raasamaalka iyo hantidda ummadda Somaliland-na waa intaa aynu hayno. Sidaas aawadeed, sidii caadadda inoo ahayd, waa in meel sare laga guntado, oo baaqaasi uu madaxweynuhu ina faray ee uu soo jeediyay, in culimadda iyo xubnahaasi gudiga ah ee loo xil saaray marka ay idiin yimaadaan sidii caadadu ahay la soo dhaweeyo.”