“Anigu Laba Jeer Baan Dhacay, Haddana Waanigaa Soo Taagan Oo Isma Dhiibayo, Waayo Waxaan U Imid Ujeeddo Laakiin Innagu Waxaynu Nahay Xumbo”

0
787

“ Himillada Waa Loo Kacaa Kufaa  Laakiin dadkeenu  Dhabar Adayga Ma yaqaanno laakiin Aniga Uun Wax Ku Qaata waayo [Siyaasadda] Waxaan U Imi Inaan  hadafkayga ka midho dhaliyo” – Feysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Habeen hore ka qayb galay xaflad lagu daah furayay sanad guurada koowaad e kasoo wareegtay aasaaskii ururka SOYMO oo ah urur dhalinyaro ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay cidhib xumooyinka qabyaalladu dhaxalsiiso ummada ka mid ah. Faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka jeediyay Khudbad Dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, ayaa si weyn uga taabatay marti sharaftii ka qayb gashay xafladda

Khudbadiisa oo qayb kamid ah uu Wargeyska HUBAAL halkan idinku soo gudbinayo ayaa gudoomiyuhu ku bilaabay sidan: “Qabyaalladu waa cudur aan laga bogsan ee inta aanu kugu dhicin in layska ilaaliyo weeye, oo dhalinyartiinu ay iska ilaalisaa. Maanta Somalilan doorasho ayay galaysaa doorashadaas cidda foodka bixisaa waa idinka [dhalinyarada], kuwan maanta noo yimaada [siyaasiyinta] ee qaadka naga cuna ee maalinba xisbi galaa food ma bixiyaan. Gelinka horena waxa yidhaahdaan waanu codaynaynaa ka dembena way fadhiyaan ee cidna uma footeeyaan, annagana shilin naguma uu hadhin oo iyagaa naga qaata . waxay ku odhanayaan xisbi hebel baan tegeyaa haddaad lacag i siin weydo, kaasna waxba ku tari maayaan. Laakiin cidda codaysaa waa idinka [haweenka iyo dhalinyarta] ee waa inaad foodkiina maanta ka ilaalisaan inaad qabyaallad iyo laaluush ku bixisaan ee waa inaad codkiina ku bixisaan yaa baahidiina daboolaya”. Sidaas ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe. Mar uu ka hadlayay tafaraaruq ay qabyaalladu ku keentay beellihii Somaliland, waxaa uu yidhi “Beellaha reer Sheekh Isaxaaq baa 1991-kii keenay gooni isu taagga, beellihii kalena way ku raaceen, nasiib darro maanta iyagii baa habar habar u kala baxay oo khatarta ugu weyni cidda ay kasoo socotaa maanta waa [reer Sh. Isaxaaq]. Haddaan tiirkaas la adkayn maantana Somaliland jiri mayso. Ninka qabiil ku soo baxay ee Oodweyne intuu reerkiisii la fadhiistay dawladdii samaystay ee yidhi Jilib Hebelna shalay buu haystaye maanta aynu innagu qabsanno, ee ay maskaxdiisu sidaas tahay kaas cod ha siinina”. “Waxaan leeyahay dhalinyarooy maanta qaran baad u baahan tihiin ee qabiil uma baahnidin ee midnimo ayaynu u baahannahay”. Gebogabadii hadalkiisa waxaa uu guddoomiyuhu ugu baaqay dhalinyarada reer Somaliland inay codkooda ku dhisaan xisbiga UCID iyaga oo ku cibro qaadanaya quusan waaga madaxdiisa oo dhawr jeer doorashada lagaga guulaystay “ Dadkeenu dhabar adayga ma yaqaannaan iyo in himillada lookacaa kufo laakiin innagu xumbo ayaynu nahay hore u gudha balse aan samirka aqoonin. Markaa dee aniga uun wax ku qaata ileyn laba jeer baan dhacay oo haddana waanigaa soo taagan, ismana dhiibayo maxaa yeellay anigu waxaan u imi [siyaasadda] inaan ujeeddo ka gaadho, oo hadafkayga ka midho dhaliyaa, kaasi oo ah inay Somaliland xor noqoto oo ay adduunka kamid noqoto” ayuu yidhi guddoomiyuhu.