Nuxurka Socdaal Qarsoodi ah Oo Xubnaha Guddida Talo iyo Tawfiiq Ugu Baxeen Magaalada Borama Iyo Kulan Natiijo-xumaystay Oo Ay La Qaateen Suldaan Dhawal

0
1374

Suldaan Dhawal oo Xubnaha Guddida Talo Iyo Tawfiiq u Sheegay Inaanu Wax Gorgortan ah Kala geli doonin Godobta Beeshiisu Katirsanayo Guddoomiye Cirro

Guddida Talo Iyo Tawfiiq Oo Guuldarro Kala Kulantay Isku-dayo ay Xaal Qarsoodi ah Kaga Bixinayeen Qadafkii Uu Cirro Kula Dul Kufay Halgamaagii Dhiiggiisa WADDANI usoo Huray

Guddida Talo iyo tawfiiq ee beesha Galbeedka Burco, ayaa socdaal dhuumasho ah ku tegay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, iyaga oo halkaas kulamo qarsoodi ah kula yeeshay Suldaanka Guud ee beelaha Habar-carfaan Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal.

Sida ay wargeyska Hubaal u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ahi, waxa ujeeddada xubnaha guddidani ahayd sidii ay ladqabo uga geli lahaayeen ceebaha masuuliyadeeda uu lahaa guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo beeshooda kasoo jeeda, waxana ay arrintaas kulamo aan midho-dhalin kala yeesheen suldaanka guud ee beelaha uu kasoo jeedo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Md. Axmed Muumin Seed.

Xubnahan ay isku deegaanka yihiin guddoomiye Cirro, ayaa sida la sheegayo caasimadda kaga baxay talo kasoo go’day mus-dambeedka xisbiga WADDANI, waxana iyaga oo aan kulan la yeelanin guddoomiyihii la dulmiyey ay u socdaaleen dhinaca gobolka Awdal oo ay kula kulmeen suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, kaas oo jawaabo aanay ku farxin kaga falceliyey socdaalka xubnaha doolka ugu tegay.

Fadhiyo dhawr ah oo  guddidani maalmaha la yeesheen suldaan Dhawal, ayey xubnaha guddidu si weyn suldaanka ugu bandhigeen inay xaal iyo boola-jiisba ka bixinayaan qaladaadka umaddu markhaatiga ka tahay ee laga galay guddoomiye Axmed Muumin, isla-markaana ay magan uga yihiin inuu arrintaas kala hawlgalo.

Suldaan Dhawal, ayaa si adag uga gacansaydhay soo jeedimaha guddidaas, waxana uu hoosta ka xarriiqay in ficilkii uu guddoomiye Cirro ku deedafeeyey xuquuqdii Axmed Muumin Seed ku lahaa xisbiga WADDANI u dhigmin in xubno guddi ah dhawaaqooda lagaga daawoobo, waxana uu tilmaamay in godobta ay tirsanayaan ka ballaadhan tahay mid xubno koobani meesha ka saari karaan.

Sida aanu xogaha ku hayno waxa kulankaasi ku dhammaaday guuldarro iyo natiijo la’aan, waxana uu suldaan Dhawal xubnaha guddida ah u sheegay inuu ixtiraam ballaadhan u hayo, balse aanu marnaba wax gorgortan kala geli doonin go’aanka ku saabsan lafo-gurka godobta beeshoodu ka tirsanayso guddoomiye Cirro.

Ugu dambayntii waxa ay xubnaha guddida Talo iyo Tawfiiq ee beesha Galbeedka Burco  suldaanka kaga hulleeleen faro-madhnaan, iyada oo suldaanku ku adkaystay ilaa iyo inta uu dhammaanayo shirka uu beeshiisa ugu baaqay soo dhammaanayo aanu wax wada-hadal ah ka furaynin dhibaatada uu tirsanayo Axmed Muumin Seed oo inteeda badan masuuliyadeeda dusha laga saarayo.