“Muwaadiniinta Somaliland U Dhashay Ee Xamar Degeni Xuquuqdooda Siyaasiga Ah Ee Ay Somalia Ku Leeyihiin Way Raadsan Karaan Laakiin..” Wasiir Sacad.

0
817

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Ka Hadashay Ajaanibkii Dalka Ka Baxay Iyo Doorashooyinka Somalia

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa ka hadashay hay’ado ajaanib ah oo maalmihii u dambeeyey la sheegay inay ka baxayeen dalka sababo amaankooda la xidhiidha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire oo Hargeysa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inaanay jirin xaalad cusub oo looga biqi karo ammaanka dadka ajaanibka ah iyo muwaadiniintaba, balse wasiirka ayaa sheegay inay dalalka qaarkood caado u leeyihiin inay dadkooda la baxaan marka ay xaalad doorasho soo dhawaato, waxaana hadalkii wasiirka ka mid ahaa:

“Wax xaalad cusub ah oo inagu soo biiray oo keeni kara dad ajaanib ah ama muwaadiniin ahi inay dalka ka baxaan ma jirto, waxaase jirta in xiliga doorasho jirto caado ayay isaga tahay inay wadamada qaarkood dadkooda ka saaraan si ku meelgaadh ah, xafiis la xidhay oo amni darro loo xidhayna ma jirto, waxaan filayaa dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee dalka ka socda inay keentay dalka ka baxaan laakiin waxaan cadaynayaa inaanay wax khatar ah oo cusub oo keeni kara qofku inuu dalka ka baxaa aanay jirin” waxaana uu intaasi raaciyey “runtii wasaaradda khaarajiga lamay soo xidhiidhin hay’ado amni ayaynu leenahay waa suurtogal inay inay la xidhiidheen waana waxyaabaha ay tahay inaynu wax ka bedelno waayo waa inaynu yeelano baratakool ay wasaaradda khaarajigu la socoto gaar ahaan hay’adaha xasaanadda leh markay dalka soo galayaan iyo markay ka baxayaan iyo haddii ay xaalad cusubi la kulantaba”.

Geesta kale Wasaaradda Khaarajiga ayaa ka hadashay xulista xubnaha baarlamaanka Somalia iyo dadka la sheegay inay ku metelayaan Somaliland, wasiir Sacad Cali Shire oo arrinkaasi kahadlaya ayaa wax hadalkiisii ka mid ahaa:

“horta waa inaynu isla qirno oo meel isla dhigno Somaliland inaanay Somalia ka mid ahayn, Madaxwaynaha Somalia-na kama taliyo Somaliland, Somaliland-na xubno u dirsan mayso uga qaybgala waayo qayb kama ahaba cidii ka qayb gashaana anaga nama khusayso, haddii ay jiraan dad reer Somaliland ah oo degen Xamar oo iyagu xuquuqda siyaasiga ah ee ku leeyihiin ka doonanayaan iyagay jirtaa laakiin anigu waxaan halkan ka cadaynayaa inaynaan qayb ka ahayn geedi socodka siyaasiga ah ee Somalia ka socda”