Xukuumadda oo Caddeysay In Heshiiska DP World Horseedayo Ilaalinta Tayadda Badeecadaha

0
1024

Toddobaadkii hore waxaanu ku baahinay cadadkii wargeyska DAWAN ee Isniintii la soo dhaafay warbixin la xidhiidhay badeecadaha dhacay iyo kuwa tayadoodu xun yihiin ee dalka looga soo waarido dibadda.

Mudadii ay weriyeyaasha DAWAN, ku gudo jiraan baadhista warbixintan waxa dad kala duwan oo looga qaateen ahi noo xaqiijiyeen in dhawaan la qabtay dad dawooyinka dhacay dib galka uga bedala guri ku yaalla Hargeysa, kuwaasi oo la weriyay in la qabtay hase yeeshee iyadoo aan dacwad lagu soo oogin, maxkamadna aan la geynin la sii daayay.taasi oo fadeexad ku ah Hay’adaha qaranka u qaabilsan nabadgelyadda iyo ka hor taga badeecadaha dhacay.
Cumar Daa’ud oo ka tirsan ganacsatada dukaamada ku leh magaalada Hargeysa oo wargeyska DAWAN, wax ka weydiiyey siduu u arko halista badeecadaha tayadoodu liitaan ku keeni karaan bulshadda, waxa uu yidhi “Ciddna kama qarsoona halista badeecadaha tayadoodu liitaan u leeyihiin caafimaadka dadka, balse annagu uma lihin aqoon aan iskaga eegno marka aanu soo iibsanayno badeecadda, waxase aan u soo jeedinaynaa dawladda inay soo iibsato shaybaadhkii ay ku baadhi lahayd dawooyinka iyo badeecadaha quutal daruuriga ah.”
Dekadda Berbera oo ah marinka Somaliland wax uga soo degaan, ayaa lagu sameynayaa casriyayn balaadhan oo ay ku haweysan doonto inay u adeegto mandaqadda geeska Afrika. Haddaba waxa is weydiin mudan in horumarinta dekaddu uu kaalin ka qaadan doono in wax laga qabto badeecadaha tayadoodu liitaan ee ganacsataddu ka soo dejiyaan marsadda Berbera.
Baashe Cawil Xaaji Cumar, waa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka carabta, ayaa sheegay in hubinta tayadda badeecadaha ka soo degaya dekaddu ay qeyb ka ahayd qorshihii xukuumaddu ku dhaliyay inay shirkadda DP World qandaraas ku siiso balaadhinta iyo casriyaynta marsadda.”Horumarinta nolosha bulshada Somaliland dhinac walba, oo ka mid tahay suulinta in badeecadaha tayadoodu liidato dalka la keeno waxay qeyb ka ahayd qorshayaashii xukuumada Somaliland heshiiska casriyeynta dekeda Berbera ula gashay shirkada DP World,”ayuu danjire Baashe Cawil u sheegayDAWAN.

Geesta kalena, Hooyo Canab Warsame oo fikirkeeda ka dhiibanaysay arrintan ayaa sheegtay, inay Ilaahay ka baryeyso inuu u keeno faraj ummadu kaga badbaado inaan loo keenin wax kastoo dhibaato u keenaya. “Hooyo, Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ummada u furo faraj ay kaga badbaado dadka dhuuni-raaca ah ee faa’iidooyinka ka daya badeecado dhibaatooyin u keena bulshada.”