UCID: Qabsoomidda Shirwaynaha Lagu Ansixinayo Murashaxnimada Jamaal Oo Wakhtigiisa La Cayimay

0
972

Garabka guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa soo saaray liiska rasmiga ah ee uga qaybgalaya qabanqaabada shirwaynaha aan caadiga ahayn ee lagu ansixin doono heshiiskii ay wada galeen labadii garab ee UDUB iyo UCID ee midoobay sanadkii 2012-kii.

Sidoo kale waxa lagu dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee uu shirwaynahani qabsoomi doono, waxaana la cayimay inuu shirwaynaha aan caadiga ahayni qabsoomo 2-ka bisha inagu soo aadan ee November.

Kuxigeenka Xoghaya xsibiga UCID Naasir Qodax oo warbaahinta la hadlay ayaa cayimay qabsoomidda shirka, sidoo kalena yeedhiyey xubnaha garabkooda uga qaybgali doona qabanqaabada shirwayanaha, waxaana uu yidhi:

“waxaynu maanata (shalay) halkan ku cayimaynaa in 2 bisha koow iyo tobnaad shirwaynihii aan caadiga ahayn la qaban doono”, isagoo sii hadlaya ayuu xoghayuhu yidhi:

“xubnaha garabka guddoomiyuhu waxay kala yihiin, Maxamuud Cali Jiir, Maxame Khayr Xasan Baashe, Shabaash Cabdiraxmaan Axmed Cali, Cabdiqani Selef iyo Cumar Daahir