Somaliland: Somaliland: Axmed Muumin Seed Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Siyaasadeed

0
1015

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Muddane Axmed Muumin Seed isla markaana ah musharax u tartamaayey kursiga madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi balse lagaga guulaystay ayaa ka hadley in uu xisbigaasi iska casili doono iyo in uu ka sii mid ahaan doono ka dib markii uu shalay shirk aka baxay.

Muumin Seed oo wareysi siiyey idaacada BBC da ayaa  waxaana uu sheegay in aanu wakhti xaadirkan go,aan ka gaadhin arintaasi isla markaana wakhti xaadirkan yahay gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani “Mustaqbalkeyga siyaasadeed waxuu noqonayaa marka hore waxaan u mahad naqayaa dhamaan taageerayaasheyda , waxaanan taageerayaasheyda u sheegayaa mustaqbalkeyga siyaasadeed in aan ka tashan doono maadama oo aan nin dhalinyaro ahay .” ayuu yidhi, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaas raaciyay “Saacadan aan iminka joogo waxaan ahay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani , cid xilkaas iga qaadi kartaana ma jirto , waxaan kale oo aan halkan ka cadeynayaa xisbigan aniga iyo  Cabdiraxmaan Ciro  waa wada laheyn , lacagtii ugu horeysay waa wada bixinay waxaana aan furan doona maxkamad wax kasta oo ay maxkamadu ii xukuntana waan aqbalayaa.”