Suldaanka guud ee beelaha Habar-carfaan ee gobolka Awdal Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, ayaa eedo  culus dusha ka saaray guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee WADDANI, waxana uu tilmaamay inuu gadh-wadeen ka ahaa caddaalad-darro halkaas lagaga sameeyey Axmed Muumin Seed oo jagada madaxweyne-ku-xigeen xisbigaas uga sharraxnaa. Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal oo isaga oo magaalada Borama ku sugan warbaahinta la hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu caddaalad-darrada shirkii golaha dhexe ee xisbiga ka dhex dhacday kala hadlay gudoomiye Cirro balse aanu waxba ka qabanin.

Suldaanku waxa uu shaaca ka qaaday in xubno dibadda ka yimi lagu daray xubnihii rasmiga ahaa ee golaha dhexe hore ugu jirey, taas oo uu dabada ka riixayey guddoomiye Cirro,“