Nash-qadda Shirqoollo Iilka Lagu Le’ekaysiinayo Musharrax Ay Xuquuqi Kaga Maqan Tahay Aasaaskii WADDANI Oo Abaalkiisa Uu Cirro Il-duufay

0
766

WADDANI Vs MAANTA:     Jewiga Shirka La Filayo In Maanta Cabdiraxmaan Cirro loogu Cumaammado Musharraxnimada Xisbigaas Iyo Midabada Awoodaha Is Muquuninaya 

Dad Aan Weligood Xubin Ka Noqon WADDANI Oo Kaadirka Xisbigu Suuqa Kasoo Kiraystay Oo Loo Qorsheeyey In Ay U Kala Hiilliyaan Labada Musharrax Ee Ku Hirdamaya Kursiga Madaxweyne-ku-Xigeenka

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI iyo xubnaha uu talada ka qaato ee u badan beesha uu kasoo jeedo, ayaa xalay ilaa shalay ku hawllanaa khiddad ka baxsan sharciga iyo qaanuunka u Xisbiga WADDANI ugu talo galay in ay ku dhaqmaan,   taas oo loogga gol leeyahay in lagu minjo-xaabiyo murrashax Axmed Muumin Seed oo la ogaaday inuu gacanta ku dhigay xubnaha ugu badan ee golaha dhexe ku jira.

Sida ay sheegayaan xogo u dhuun daloola kulamo hoose oo kaadirka WADDANI yeesheen, waxa suuqa laga ururiyey shakhsiyaad iyo magacyo been abuur ah oo aan ku jirin golaha dhexe ee xisbigaas, kuwaas oo loogu talo galay inay u codeeyeen murrashax Maxamed Cali oo ah shakhsiga kaadirka xisbigu olalaha ugu jiro inuu murrashax-ku-xigeen u noqdo guddoomiye Cirro.

Golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, ayaa tiradoodu dhan tahay 251-xubnood, waxase shaki iyo baqdin laga qabo murrashax Axmed Muumin Seed dartii ay kaadirka uu hoggaaminayo guddoomiye Cirro go’aansadeen inay ugu yaraan laba boqol oo qof oo suuqa lagaga urursaday kuwaas oo loogu talo galay in madasha la geeyo si ay codkooda ugu shubaan murrashax Maxamed Cali oo taageero Mr. Muumin Seed Kaga Taageero badan yahay xubnaha rasmiga ah ee xisbiga ka tirsan.

Xubnaha suuqa laga soo ururiyey, ayaa xogo uu Wargeyska HUBAAL helay tibaaxayaan in ay badankoodu dheeraad ku yihiin xisbiga maadaama oo aanay  ku jirin tirada sharciga ah ee xisbigaas oo dhan 251-xubnood, isla markaana lagu ansixiyey shirweynihii xisbigaas hore u qabsaday, balse waxa uu kaadirku go’aamiyey inuu 200-xubnood oo kale suuqa kaga darsado si ay codkooda usiiyaan murrashax Maxamed Cali oo taageerada xubnaha rasmiga ah ee golaha dhexe lagaga gacan sarreeyo.

Xubnaha la ururiyey, ayaa ah qaar talo hoose lagu soo xulay, waxana loo qoondeeyey inay codkooda ugaga hiiliyaan Axmed Muumin Seed. Xogahani waxaa ay muujinayaan awoodo qarsoon hoggaanka xisbigu u qorsheystay in ay u adeegsadaan meel marinta arrinkooda iyagoo ergooyinka golaha dhexe ku jujuubi doona sidii ay u dooran lahaayeen Musharraxiinta ay wataan.