DEG-DEG: Xukuumadda Oo Komishanka Doorashooyinka Ku Wareejisay Dhammaan Kharashaadkii Lagu Galayay Doorashada Somaliland

0
814

Xukumada Somaliland ayaa Komishanka Qaranka Doorashooyinka Somaliland ku wareejinaysa hada Lacagtii  loogu talo galay in lagu galo doorashada Madaxtinimada ee Somaliland.

Munaasibada ay komishanku kula wareegayaan lacagta lagu galaayo doorashada ayaa waxa ay ka socotaa xarunta aqalka Madaxtooyada Somaliland,lacagta ayaana la filayaa in ay cadadka lacagta ay xukumadu bixinayso ayaa haatan ah 40% kharashka doorashada iyada oo ay si rasmi ah ay ugu wareejinayso Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka Maaliyada.

Xukumada Axmed Siilaanyo ayaa hore ugu balan qaaday in ay bixinayso lacagta lagu galaayo doorashada ka dib markii dalalkii Somaliland ka caawinaayay dhinaca kharashka doorashooyinku ay walaac ka muujiyeen kala qaadistii Madaxwaynaha Somaliland ku sameeyey labada doorasho ee Wakiilada iyo Madaxtooyada.