waxa ay Maanta u dhashay 5tii sano Ee Axmed Muumin Seed mucaaridnimada lasoo jiifay xisbiga Waddani.

“shan sano ayaan mucaarid ahaa oo aan xisbiga dhiiggayga usoo shubay, maantana waxaa laygu beddelay, nin aan taageero iyo cod gobolka Awdal Kasoo hoynayn.”

“shirka waxaan uga soo baxay, sidaad ogtihiinba anigu waxaan ahay guddoomiye xigeenkii Waddani, waxaan kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga, waxaan ka mid ahaa labadii nine e ugu horreeyay ee xisbiga aasaasay anigiyo Cirro, runtii maanta waxaan ku dedaalayay inay doorasho xor oo xalaal ah ay dhacdo, laakiin caddaalad darradii aan ka baqaynay ee muddadii aan xisbiga kusoo jirnay la lahaa ee aan Cirro difaacayay, halkaas ayay maanta ka dhacday.

“Caddaalad-Darradii Ugu Weynayd Intaas WADDANI Joogay Ayaa Maanta Dhacday, Taageerayaashaydii Oo Boqol Iyo Sideetan Iyo Kow Ah {181 Xubnood} Kaadhadhkii Ayaa Loo Diiday Oo Dibaday Taagnaayeen,.. Oo waxa halkaas kasoo baxayna waa caddaalad-darro” Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed