Guddoomiyaha KULMIYE Oo Masuuliyiinta Iyo Hawl-wadeennada Xisbiga Uga Xog-warramay Safarkii Yurub

0
750

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxda kale ee xisbiga iyo hawl-wadeennadiisa uga xog-warramay safarkii uu toddobaadkan ka soo laabtay ee isaga iyo wefti kale oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ku tageen dalalka Imaaraadka iyo Ingiriiska.

Kulan Guddoomiyuhu xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay caasimadda Hargeysa kula yeeshay shalay xubnaha hoggaanka iyo garabka haweenka ee xisbiga, waxa uu warbixin ka siiyey natiijadii safarkaasi oo qaatay muddo saddex toddobaad ah, kaasi oo uu kulamo kala duwan kula soo qaatay madaxda iyo taageerayaasha xisbiga ku sugan dalalkaasi, gaar ahaan Ingiriiska.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisuba gudo iyo dibadba ay u diyaargaroobeen doorashooyinka, gaar ahaan ta Madaxtooyada ee u qorshaysan dabayaaqada bisha March ee sannadka dambe 2017, isla markaana waxa uu ku dhiirrigeliyey la sii xoojiyo dadaalka xisbigu hore ugu socdo.

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu kulan gaar ah oo qado ah kula qaatay huteelka Maansoor masuuliyiinta Garabka Haweenka xisbiga ee Gobolka Sool iyo magaalo-madaxdiisa Laascaanood oo socdaal ku yimi Hargeysa, iyadoo madashaasina ay ku wehelinayeen Maayarka Degmada Laascaanood, xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa iyo masuuliyiin kale.