“Waxaan uga baxay markii aan arkay in kursigaygii nin la fadhiisiyay oo la khalday baratakoolkii”

0
1277

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ahna xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland Faarax Maxamuud Cabdule (Faarax Dheere), ayaa naqdiyay shirkii golaha dhexe ee xisbigaas uga furmay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Faarax Maxamuud Cabdule oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay tilmaamay in uu ka baxay shirkii golaha dhexe ee xisbiga kadib mar kii la khalday barotakoolkii shirka, is la markaana kursigiisii la fadhiisiyay qof kale. “Anigu waan ka soo baxay shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani. shirkaas oo la majaro habaabiyay, sababta aan uga soo baxayna waxa weeye barotakoolkii shirka oo la khalday, anigu waxa aan ahay guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Waddani, markaa kursigaygii qof ayaa la fadhiisiyay, sawirkiisiina waa lagu dhejiyay, kii guddoomiye ku xigeenka koowaadna qof kale ayaa la fadhiiisiyay,”ayuu yidhi Faarax Dheere, waxaanu intaas ku daray “Markaa waxaan u arkay in baratakoolkii shirku uu khaldamay, mar haddii barotakoolkii shirku khaldamayna waxba ma jiraan oo waxay noqonaysaa in xisbigii uu guddoomiye qudhi hogaamiyo, ergooyinkii aan anigu keenayna kaadhadh kii waa loo diiday.”

“Rag badan ayaanu nahay oo golaha dhexe ee xisbiga Waddani ku jira oo qawadsan sida wax loo wado, waana ka tashanaynaa, garabka toosinta xisbiga Waddani hore ayay uga biyo diideen shirka golaha dhexe oo wax bay saluugeen,”ayuu yidhi Xildhibaan Faarax Dheere oo isla markaana ka mid ah xildhibaaadda aqalka wakiiladda ee wakhtigoodu dhammaaday.