“Waxaan filayaa in ka bixitaanka Ingiriiska ee EU-da uu dawladda Britian u sahlayo inay ku go’aan qaadato aragtideeda” Wasiir Sacad Cali Shire

0
961

“Waxaan filayaa in ka bixitaanka Ingiriiska ee EU-da uu dawladda Britian u sahlayo inay ku go’aan qaadato aragtideeda” Wasiir Sacad Cali Shire

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in qorshaha Ingiriisku kaga baxay EU-da uu yahay mid waxtar u yeelan kara aqoonsi caalami ah oo ay Somaliland ka hesho UK. Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Wasiirka Arrimaha dibadda Sacad Cali Shire.

Wargeyska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa Arbacadii shalay warbixin dheer kaga hadlay aqoonsiga Somaliland iyo heshiiska marsadda Berbera ee ay wada galeen Somaliland iyo shirkadda DP World. Warkan oo aanu soo turjunay waxa uu u qornaa sidan:- “Dawladda Somaliland ayaa aaminsan in ka bixitaanka Ingiriisku kaga baxayo xubinimadii midowga yurub uu UK u madax banaynayo inay aqoonsadaan dalkan ku yaalla Geeska Afrika ee ictiraafka raadinayay muddo 25 sannadood ah,” ayaa lagu sheegay warbixinta wargeyska The guardian ka qoray Somaliland.

 

“Waxaan filayaa in ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub uu dawladda Britian, u sahlayo inay ku go’aan qaadato aragtideeda,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

“Dalalka xubnaha ka ah EU-da, waxa ku waajiba inay meel mariyaan siyaasadda ay dhigteen Midowga Yurub. Taasina Ingiriiska fursad umay siinaynin inay aragtideeda ku socoto, laakiin marka ay ka baxaan EU-da waxay qaadi kartaa tallaabo kasta oo ay doonaan. Waxaan qabaa inay arrintani annaga (Somaliland) aad noogu wanaagsan tahay, waxay awoodayaan inay furfurnaansho u helaan siyaasadooda arrimaha dibadda,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiirka khaarajiga waxa hadalkiisu ku soo beegmay iyadoo mid ka mid ah shirkadaha dekadaha ka shaqeeya ee adduunka ugu weyni ay shaacisay inay heshiis soddon sannadood ah oo ku wajahan casriyaynta marsadda Berbera la gashay Somaliland oo hore u ahaan jirtay maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray.

Heshiiskan DP World iyo Somaliland oo ay ku baxayso dhaqaale lagu qadaray $442 milyan, ayaa ah maalgashigii ugu balaadhnaa ee marsadaas lagu horumarinayo.

Itoobiya oo ah dal aan xeeb lahayn kana mid ah dalalka dhaqaalahoodu xawaaraha u korayo, ayaa la jaar ah Somaliland, waxaana lagu wadaa in Itoobiya ka faa’iidaysato dekadda Berbera oo loo hagaajinayo mid heer mandaqadeed ah.

Dawladda Somaliland waxay u aragtaa mashruuca horumarinta dekadda Berbera inuu yahay mid ahmiyad u leh dhaqaalaheeda.

Wakhti xaadirkan marsadda Berbera waxay awoodaa inay u adeegto oo ay dejiso (60,000 ) oo kontiinar, waxa qorshaha heshiiskani yahay inay dejin karto sannadkiiba 1.2 milyan oo kontiinar isla markaana ay kasbato maraakiib badan oo ku socda Barriga Afrika.

“Aasaaska dhaqaalahayagu waxa uu ku xidhan yahay xoolaha nool, nasiib darro xaaladuhu way is bedalayaan oo roobkiina wuu yaraaday. Ma garanayno xilliga uu da’ayo waxa kale oo aanu si joogto ah u wajahnaa abaaro, sannadkiiba mar ama labadii sannadoodba mar ka dhacda dalka,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaas ku kabay “Waxaanu caawinaa dadka abaaruhu tabaaleeyeen, abaarahani waxay yaraynayaan awoodayadii dhaqaale ee aanu ku taakulayn lahayn qaxoontiga dalkayaga ku sugan ee ka soo qaxay Yemen. Sidaas awgeed waxaanu u baahan nahay mucaawimo deg-deg ah oo aanu wax kaga qabano abaaraha iyo qaxoontiga.”

Geesta kalena, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska, ayaa laga soo xigtay isagoo leh “Waxay u taallaa Somaliland iyo Soomaaliya inay go’aansadaan mustaqbalkooda. Dalalka gobolka ee jaarka la ah ayay tahay inay ugu horeeyaan wixii aqoonsiga la xidhiidha.”