Gudoomiye Cirro Oo Jeebka Kala Soo Baxay Shuruud Wacad-furaysa Heshiiskii Wareejinta Guddoomiyenimada Xisbiga WADDANI Iyo Mad Madow Galay Jagadaasi

0
792

Gudoomiye Cirro Oo Jeebka Kala Soo Baxay Shuruud Wacad-furaysa Heshiiskii Wareejinta Guddoomiyenimada Xisbiga WADDANI Iyo Mad Madow Galay Jagadaasi

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdilaahi(uurcadde), ayaa shaaca ka qaaday xilliga rasmiga ah ee uu guddoomiye Cirro wareejin doono kursiga guddoomenimo ee loo ballan qaaday xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Waraysi uu Xoghaye Uurcadde siiyey idaacadda BBC-da, ayuu sheegay in heshiis hoose laga gaadhay xilliga rasmiga ah ee uu Cirro ka ka cayo kursiga xisbigaas ugu sarreeya ee guddoomiyaha oo la isla gartay in lagu wareejiyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo xisbigaas dhawaan kusoo biiray.

Md. Uurcadde waxa uu sheegay in wareejinta mansabka guddoome-nimo ee xisbigaas la isla gartay inay dhacdo kadib guul uu xisbiga WADDANI ka gaadho doorashada soo socota ee madaxtooyada, “sida aanu xeerka ku qornay guddoomiyenimada waxa la wareejin doonaa Madaxtooyada 45-cisho kadib.”ayuu yidhi Maxamed Cabdilaaahi Uur-cadde.

Dhinaca kalena waxa uu xoghayuhu shaaca ka qaaday in la waayey cid guddoomiyaha kula tartanta murrashaxnimada, isla markaana xubno badani tanaasuleen, waxana uu yidhi, “Guddoomiyuhu awood wal oo kursigu lahaa wuu wareejiyey Laakiin murrashaxnimada cid waa loo waayey, raggii Somaliland ugu xulsanaana way ku jiraan, rag ka tanaasulay iyo rag u daayeyna way jiraan sida Maxamed Biixi oo kale.”.

Hadalka kasoo baxay xoghaye Uur-cadde ee uu ku caddeeyey xilliga rasmiga ah ee uu Cirro wareejin doono kursiga guddoomiyenimada, ayaa abuuraya shaki badan oo la xidhiidha sida uu guddoomiyuhu iskugu sii dhejinayo kursigiisa, waxana shakigaas inta ugu badan qabta beesha gobollada Hawd iyo Hargeysa oo Kursigaas hore loogu magacaabay.

Dadka siyaasadda falanqeeya, ayaa tilmaamay in dhawaaqa kasoo baxay xoghaye Uurcadde uu dhirbaaxo siyaasadeed uu ku noqon doono xisbiga WADDANI, maadaama aanu bislayn guddoomiyenimada uu Cirro sheegay inuu kusoo dhaweynayo beesha Gobolka Hawd oo uu hammuun u qabo codkooda.