Siyaasi Cali Xaaji Xassan Wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa uu markii ugu horeysay si adag ula hadley gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi .

Muddane Xirsi oo ka hadlaayey  furitaanka shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa waxaa uu sheegay   in uu mujaahid Muuse biixi u soo jeedinayo in aanay Mujaahid nimo CV ama tariikh nolaleed  u noqoneyn ee uu la yimaado arin kale oo uu dadka cod kaga kasbanayo .

Sidoo Kale Siyaasi Xirsi waxa auu sheegay in aanay jirin cid dafiri karta in uu mujaahid soo ahaa balse maanta maalintii aan la joogin ee  la  yimaado wax kale oo  uu dadka ku kasban karo waxaana uu yidhi

“war wax hagaagsan la kaalay bi,i waayee Cv na kuu  noqon meyso Muhaahid baan soo ahaa , lakiin in aad mujaahid aheyd cidi kaa dafiri mayso maalintaas lakiin maanta mujaahid nimo waxba ku tari mayso ee wax hagaagsan la kaalay ” ayuu yidhi siyaasi Xirsi  Cali Xaaji Xassan .