Cali Khaliif Oo Xukuumadda Somaliland Uga Digay Inay Qabato Shirka Beelaha Dhulbahante Ee Burco Ka Dhici Doona

0
992

Hogaamiyaha kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa xukuumadda Somaliland uga digay qabashada shirka beelaha Dhulbahante ee Burco ka dhici doona dhamaadka bishan.

Cali Khaliif Galaydh ayaa shirkaasi ku macneeyey gacan dhaaf ay xukuumadda Somaliland maamulkiisa ku wado waxaana uu sheegay inuu isagu dhankiisa wadahadalka uu xukuumadda kula jiro ka bixi doono haddii uu shirkaasi qabsoomo.

Sidoo kale Cali Khaliif ayaa xukuumadda kala dooransiiyey labada shir, waa shirka Khaatumo iyo xukuumadda, iyo shirka beelaha dhulbahanta’e , waxaana uu xusay inuu ugu yaraan midkood meesha ka bixi doono, waxaana mar shirkaasi su’aal laga waydiiyey uu ku jawaabay:

“waar shirkaas maamulka Somaliland ayaa hore ugu talogalay, Madaxwaynaha Somaliland Adhicadeeye ayuu kaga dhawaaqay horena waan ugu hadlay hadana waan ku celinayaa bikulli ixtiraam shirkaasi ma suurtoobayo, Somaliland iyo Khaatumo oo wadahadalo usocdaan naloo gacan dhaafi maayo shacabkayagii oo lama odhanayo Somaliland ayaa shir burco ugu qabanaysa, arrintaasi ma suurtoobayso, labada midkood ayuunbaa ka baxaya haddii ay iyagu doorbidayaan kaas ay ugu yeedhayaan beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn, dadkayaguna ma ogola, maamulkayaguna ma ogola wax suurtoobi karana maaha, waxaanu ogolaanayna maaha, waan ku celinayaa shirka Burco ee la yidhi waa 25-ka October iyo shirka Somaliland iyo Khaatumo labadasi ma wada soconayaan, midbaa meesha ka baxaya, haddii Somaliland doorbidayso inay kaayaga ka baxdo oo ay ka Burco qabsato dee iyagaa leh laakiin anagu ma ogolin”