War Deg Deg Ah: Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Siyaasiin kale Oo ka baxay xisbiga WADANI

0
2978

Xildhibaan siciid cilmi rooble iyo siyaasiin kale ayaa ka baxay xisbiga wadani, kooxdan uu horkacaayo xildhibaan siciid cilmi rooble ayaa waxay khilaafweyne soo kala dhex galay gudoomiyaha xisbiga WADANI mudane cabdiraxmaan ciro khilaafkan ayaa waxa wuu ka soo bilaabmay heshiiskii maalgalineed ee xildhibaanada saaxil laga soo doortaa ka soo horjeesteen kana codsadeen in aanu gudoomiye ciro golaha horkeen oo aan loo coday, codsigaas oo gudoomiyaha golaha wakiiladu ka dhego adag.

waxa kaloo oo xildhibaan siciid cilmi rooble si weyn ugu biyo diiday kooxdii isbahaysiga KULMIYE ee ku biirtay xisbiga WADANI, kooxda isbahaysiga ayaa wax ka mid ah rag ay ku iskaga soo horjeesteen siyaasada xildhibaan siciid oo uu ah kuwii uu uga yimi xisbiga KULMIYE.

Xildhibaan siciid cilmi rooble ayaan ka soo qayb galin xafladihii isdaba jooga ahaa ee xisbiga WADANI u qabanayey kooxda isbahaysiga iyo siyaasiyiintii federalka ahaa taasina waxay cadayn u talo siduu uga biyo diiday isbedelada siyaasadeed ee bila tashiga ah ee ku talaabsaday gudoomiyaha ciro.

  • Facebook
  • Personal website