Walaaca Laga Qabo Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada Oo Isa Soo Taraya Iyo Dhaawaca Ay U Gaysan Karto Sumacadda Somaliland

0
994

Xisbiga WADDANI, Xildhibaan Gacan iyo Mujaahid Cali Gurey Oo Dhamaantood Baaq U Diray Xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka.

Walaaca laga qabo inay doorashada Madaxtooyadu dib u dhacdo ayaa isa soo taraya marba marka dambaysa iyadoo ay kaliya shan bilood inaga xigaan wakhtigii loo mudeeyey qabsoomidda doorashada madaxtooyada ee 28 March 2017.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna murashaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI ayaa dhawaan ka digay in doorashada madaxtooyadu markale dib ugu dhacdo cudur daar aan macquul ahayn, isagoo komishanka ka codsaday inay dadka u cadeeyaan haddii ay heleen kharashii doorashada iyo haddii aanay helin.

Geesta kale Xildhibaan Gacan oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida ayaa isna kadigay inay doorashada madaxtooyadu markale dib u dhacdo waxaana uu ku taliyey in wixii kharash ah ee doorashada ku baxaya hadda la isla meel dhigo, sidoo kalena waxa uu ka hadlay cawaaqib xumada ay Somaliland ka dhaxli karto haddii markale doorashada dib loo dhigo, waxaana uu yidhi:

“dalku maanta waxa uu u baahan yahay doorasho, dalalka inagu xeeran mashaakilbaa ka soconaya, mashaakilkaas waxaynu kaga bixi karnaa canaanta beesha caalamkana aynu kaga baaqsan karnaa dalka oo doorasho ka dhacdo, haddii aynu taas qaban wayno dhibaateeda ayay leedahay markaa asxaabta qaranka, Madaxwaynaha, qolada komishanka waxaan leeyahay dalkeenu maanta waxa uu u baahan yahay doorasho ee aynu ku tun-tuunsano, lacagtii ay doorashadu ku dhici lahayd haddii aan la hayn haloo tacab galo, muddo yarbaa hadhay mudadaas inaynu doorasho ku qabano ayaa loo baahan yahay taas haddii aynu qaban wayno waxaynu arki doonaa isagoo caalamku dhabarka inoo jeediyey canaantuna inagu badan tahay, aadna dhaliisheenu u badan tahay haddiise aynu doorashadaas qabano caalamku waa inaga soo jeedsanaya, canaan iyo hadal xuni meel uu inoo soo maro iyo waxbaanu idin siinaa midna ma jirto”. ayuu yidhi Xildhibaan Gacan oo ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida.

Sidoo kale dadka walaaca ka qaban in doorashadu qabsoonto waxaa ka mid ah guddoomiye kuxigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Yuusuf Axmed (Cali Gurey), waxaana uu Cali Gurey sheegay inaanu jirin sansaan doorasho lagu qaban karo sidoo kalena dhaliisha waxa uu dusha ka saaray komishanka doorashooyinka, mar uu arrinkaasi ka hadlayay ayaa waxa uu yidhi:

“waxa la isku hayaa doorashadii qudha ee soo hadhay ee March ee Madaxwaynuhu ma qabsoomi doontaa mise ma qabsoomi doonto, runtii aniga iima muuqato nimanka komishanka ayayna tahay inay xaaladda si mugleh dadka ugu sharxaan, iyagiina hanqalka ayuunbay hoos isaga rogayaan, inay wax ka dhiman yihiin doorashadii Madaxwaynaha oo aanay qabsoomayn illaa waxaas la helo iyo wax waliba u dhan yihiin oo doorashada sidii loogu talo galay loogu diyaargaroobayo oo la qabanayo illaa maanta may kala sheegin, mana kala sheegi karaan taas macnaheedu waxa weeye waa komishan aan garanayn awoodda ay leeyihiin, markaa anigu waxaan leeyahay ma muuqato inay wax doorasho ahi dalka kadhacayso bisha March ee kaldambe”.

Inkastoo dhawaan uun lakala qaaday labada doorasho islamarkaana uu Madaxwaynuhu ballanqaaday inuu doorashada madaxtooyada wakhtigeedii ku qabanayo hadana waxa jira caqabado badan oo horyaalla oo uu wakhtigu ugu horeeyo, sidoo kalena ay ka mid yihiin qaybinta kaadhadhkii codbixinta, shubista kharashkii diiwaangalinta iyo qodobo kale.