“Farsamo Kasta Oo Aanu Dadka Kaga Helayno Lacag Aanu Doorashada Ku Galno Waanu Samaynaynaa” Wasiir Cabdillaahi Cukuse

0
1090

Wasiirka Xanaanada xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay kulan uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi la lahaa jaaliyadda ingiriiska oo lagu galaya lacag aad u fara badan.

Warbaahinta Somaliland ayaa wasiirka wax ka waydiisay ujeedada kulankaas oo u muuqaal egaa kii fanaaniintu bandhig faneedka ku soo bandhigi jireen, waxaana uu wasiir Cukuse kaga jawaabay arrinkaas inay uga dan lahaayen qaadhaan urursi ay ku galayaan doorashada Madaxtooyada, waxaana uu sheegay inay doorbideen inay dadka lacag waydiistaan halkii ay hantida umadda doorashada ku gali lahaayeen, waxaana uu yidhi:

“Xisbiyadu waxay urursadaan qaadhaan, waxay ahayd inaad i waydiiso doorashada ma hantida umadda ayaad ku galaysaan mise kuma galaysaan? mayee dadka ayaanu waydiisanaynaa inay na siiyaan farsamo kasta oo aanu dadka qaadhan kaga heli karayno waanu samaynaynaa”

Dhinaca warbaahinta madaxa banaan ayaa waydiisay wasiirka afka uu isagu ku hadlayo maadaama xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ay labaduba afhayeen leeyihiin waxaana uu sheegay inuu isagu si rasmi ah u metelo madaxwaynaha iyo Muuse Biixi waxaana uu yidhi:

“Halkan Madaxtooyada ayaa la yidhaahdaa aniga ayaa Madaxwaynaha iyo guddoomiyaha xisbigaba afhayeen u ah”. Sidaa waxa ku tiraabay Wasiir Cabdillaahi Cukuse.