“Waxbarashadeena & Caafimeedkannaba Waa La Caawiyaa Iyada Oo Aynu Sannadkii Qaadka Ku Bixinno $480 Milyan”

0
887

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynenimo ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay fursadaha uu haysto xisbiga KULMIYE, isaga oo sidoo kalena si hufan u sharraxay dhibaatooyinka haysta bulshada reer Somaliland. Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay taageeraal reer KULMiYE ah oo kusoo dhaweeyey magaalada London dee carriga ingiriiska, ayaa ugu horrayn bulshada u sharraxay fursadaha uu haatan gacanta ku haysto xisbiga KULMIYE ee uu axsaabta kale dheer yahay,“waxaynu xisbiyada kale kaga duwanahay waa waayo-aragnimada, ta labaadna waxa aynu haysanaa waddo siyaasadeed oo horumarineed iyo xisbi gudo iyo dibadba ka dhisan oo uu inoo abuuray inoona jeexay waddadaas hoggaamiyaheena ruuxiga ah Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo).” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi. Guddoomiyuhu waxa uu si qoto dheer u faah faahiyey dhibka hortaagan bulshada reer Somaliland, waxana isaga oo qoddob qodob u sharraxaya uu yidhi,“Dalkeena dhibaatooyinka yaalla markaynu soo koobnay saddex dhibaato ayaa xuddun u ah, ta koowaad waa saboolnimida, labada kalena iyada ayey ka tafiirmaan oo waa qabyaaladda iyo qaadka, haddii aynu saddexdaas maarayno oo aynu yarayno ama qaarkood tit-tirnoba waxanu u baahanahay sanad walba waxaynu nidhaahnaa adduunkow nasoo caawiya dad fuqaro ah baanu nahaye, waxbarashadeena iyo caafimeedkanana waa la caawiyaa iyada oo aynu ku bixinno sanadkii qaadka 480,000,000(afar boqol iyo siddeetan milyan oo dollar.).” Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada ugu baaqay inay dhulka dhigaan qabyaaladda, isla markaana u ban baxaan si bulshadu isku dhex gasho, waxana uu dardaaran adag siiyey qurbejoogga waddanka,“Waxa aynu u baahanahay inay xisbimadu ka weynaato qolonimada, waayo haddii reerkiinu kula weyn yahay oo laandheere yahay oo aan la loodin jirin wax aka xoog weyn xisbiga oo ka laandheeraysan, marka aan aamini weydo xisbi la isku aaminay min Saylac ilaa iyo  Qaw ee aad reer kusoo noqoto dee horumar ma doonaysid, xisbiyadana waxaynu u samaysannay inaynu qabyaaladda kaga baxno, qurbejooggana waxan usoo jeedinayaa inay hormood ka noqdaan xisbinimada in lagu dhaato oo la aamino.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.