Maxamed Biixi Yoonis Oo Shir Duceed Jufadiisa Hoose Kula Yeeshay Huteel Xaraf Hargeysa Iyo War Bixin Kooban Oo Uu Ka Siiyay Sababta Uu Waddani Ugu Biiray.

0
1248

Waxaan KULMIYE Ka Waayay Ayaan Xisbiga WADDANI Ka Helay,Aniga Iyo Saaxiibadayna Hab Wadar Ah Ayaannu Heshiiska Ula Galnay…..”
Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay Shir Duceed aan Warbaahinta loo ogolayn la yeeshay qaar ka tirsan Aqoonyahanka,Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka ka soo jeeda Jufadiisa hoose,waxaanu Warbixin kooban ka siiyay Hankiisa siyaasiga ah ee uu uraray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxa kale oo uu faah faahin ka bixiyay Sababta uu mansab muuqda uga qaadan waayay Xisbigaasi iyo waxa ku kalifay Inuu Wakhtigan ku biiro Xisbi Mucaarid ah.

Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo wargeyska Foore ka helay kulankaasi ayaa daaha ka rogay in kulankaasi la isku haleelay Wakhti qadadii shalay kadib markii laga soo dareeray Xafladii Soo dhawaynta ahayd ee Beesha Xildhibaan Cabdiqadir Jirde ugu qabatay Huteelka Guuleed Magaaladda Hargeysa. Kulankan Maxamed Biixi La Yeeshay Qaar ka tirsan Jufadiisa hoose ayaa waxa ka soo qayb galay oo goobjoog ka ahaa Masuuliyiin magac weyn ku leh Beeshiisa dhexdeeda,kuwaasi oo Xog waraysi kadib Khudbad gaaban ka dhagaystay Maxamed Biixi Yoonis,taasi oo uu kaga hadlay Ku biiristiisa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxa ay iswaydaarsadeen iyo Waxa uu u doortay inuu Wakhtigan hankiisa siyaasiga ah uraro Xisbi Mucaarid,isagoo sidoo kalena hadlay Saaxiibadiisa ay kawada tirsanaayeen Isbahaysigii Dimuqraadiyad Doonka KULMIYE.
Maxamed Biixi Yoonis ayaa u sheegay xubnahaasi Beeshiisa ka tirsan ee uu Shalay la qadeeyay inuu Xisbiga Wadani ku doortay inuu ku biiro isagoo sida uu sheegay ka helay wax uu ka waayay Xisbiga Kulmiye,waxana hadaliisa ka mid ahaa”Intaan Kulmiye Ka Waayay ayaan WADDANI Ka Helay”,iyadoo hadalkaasi Hal xidhaale ku noqday dadkii goobtaasi joogay, islamarkaana loo qaatay inuu ula jeedo in Waxa uu Kulmiye ka waayay ay ahayd inuu si xor ah uga dhex tartamo islamarkaana uu WADDANI u ogol yahay arimahaasi iyo kuwa la mid ah. Waxa kale oo hadalkaasi loo fasiran karaa inuu ula jeedo inuu Xisbiga WADDANI ka helay soo dhaweyn culus iyo Qaabilaad Tolmoon oo aanu ka helin Xisbiga Kulmiye,Arimahaasi oo ah arimaha gaar ka ah ee ku kalifay inuu Xisbiga WADDANI ugu biiro.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay wax yaabaha ay ku heshiiyeen Xisbiga WADDANI,Waxana uu sheegay inay hab wadareed heshiiskaasi ula galeen,islamarkaana Mansabka Hogaamiyaha iyo arimo badan oo kale oo qarsoon ay yihiin waxyaabaha ay Heshiiska ku galeen,waxa uu Jufadiisa hoose si gaar ah u xasuusiyay in Guruubka ay kuwada jireen Isbahaysigu ay u badan yihiin rag Wasiiro ahaa oo isaga awgii iskaga soo casilay Mansabyadii ay ka hayeen Xukuumadda Siilaanyo taasina ay mudan tahay in la ogsoonaado,islamarkaana uu raggaasi abaal dheeri ah u hayo,Waxa uu ku tilmamaamay Xisbiga WADDANI Xisbi lawada leeyahay oo aanay cid gaari ah dusha ku sidan,waxana uu sheegay in Xaalada dalku kujiro maanta uu ka saari karo oo keli ah Xisbiga WADDANI oo talada dalka loo dhiibo ama ku guulaysta,isagoo intaa ku daray inay ku dadaalayaan isaga iyo Saaxiibadii sidii ay Doorashada soo socota ee Madaxtooyada Guul uga gaadhi lahaayeen.