Xidhiidhkii Ka Dhaxeeyey Beesha Caalamka Iyo Somaliland Oo U Muuqda Mid Xumaaday Iyo Madaxwayne Siilaanyo Iyo Waftii Uu Hogaaminayay Oo Dib Ugu Soo Guryo Noqonaya Dalka Somaliland

0
877

Warar hoose oo soo if baxaya ayaa sheegaya in xidhiidhkii u dhaxeeyey Somaliland iyo beesha caalamku u muuqdo mid xumaaday.

Wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa muddo laba todobaad iyo dheeraad ah ku sugan dalka ingiriiska,iyaga oo aan wax kulan ah la qaadan intii ay joogeen masuuliyiinta dawlada ingiriiska oo wakiil ka ah beesha caalamka ee Somaliland ka taageera dhanka dimuqraadiyadaynta iyo nidaamka doorashooyinka Somaliland.

Waxaana beesha caalamku ay dhawaan madaxwayne Siilaanyo usoo direen dhambaal waraaq ah oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin kala qaadista labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada oo qurshuhu markii hore ahaa in mar la wada qabto ayna qabsoomaan dhamaadka bisha March ee sanadka soo socda ee 2017-ka,balse madaxwaynuhu dib u dhigay doorashada wakiilada.

Arinkani kala qaadista labada doorasho ayaa ay beesha caalamku dhambaalkoodani ku lifaaqeen inay dhankooda go’aan ka gaadheen taageridii doorashooyinka ee beesha caalamka ayna isku filnaadaan iyaga oo sheegay in doorashada madaxtooyada ku deeqayaan hal milyan iyo badh dollar ka maraykanka ah,halka dawlada Somaliland ay kusoo baxsatay lacagta intii kale.

Madaxwayne Siilaanyo iyo waftigan uu hogaaminayo oo iyagu muddo laba todobaad ah ku sugan dalka ingiriiska ayaan wali kulan la qaadan madaxda dalka ingiriiska si ay ugala hadlaan arimaha doorashooyinka Somaliland ee la kala qaaday iyo duruufaha kuxeeran.

Wasiiro ka tirsan waftiga madaxwaynaha oo iyagu ka hadlay ujeedada socdaalka madaxwaynuhu ku tagay Magaalada London ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay,waxaana wasiirda madaxtoyada iyo duulista iyo hawadu ay sheegeen in ujeedada madaxwaynuhu ku tagay dalka ingiriiska ay tahay dardar galinta hawlaha qaranka Somaliland,sidoo kalena wasiirka arimaha dibada ayaa isna safarka madaxwaynaha ku sheegay inuu yahay mid nasasho isaga oo sidoo kale carabka ku dhuftay in aanu jirin wax kulan ah oo u qorshaysan madaxwaynaha iyo madaxda dawlada ingiriiska.

Dadka inta badan arimahan oo kale ka faalooda ayaa sheegay in xidhiidhkii u dhaxeeyey beesha caalamka iyo dawlada Somaliland uu xumaanayo isla markaana xukuumadda Somaliland looga baahan yahay in beesha caalamka ka dhaadhiciso kuna qanciso duruufaha sababtay in dib loo dhigo doorashada wakiilada.

Waftigan uu hogaaminayo madaxwayne Siilanayo ayaa la filayaa inay dalka dib ugu soo noqdaan dhawaan,iyaga oona la filayo inay soo  maraan dalka Itoobiya ayna kulan la qaataan madaxda dawlada itoobiya.