Warshadii Sibidhka Ee Berbera Oo Dib Loo Furayo Iyo Cida Maal Galin Doonta + (Sawiro).

0
1397

Warshadii shamiitada ee magaalada Berbera ayaa warar soo baxayaa waxaa ay sheegayaan in Heshiis Loo wada dhan yahay Laga Gaadhay Samaynta warshada Sibidhka Berbera,Waxaana La filaya In Bilaha Inagu soo Socda Hawshaasi la Guda gali doono.

Wararka xogaha ah ee arinan laga helay Ayaa  Sheegaysa in Xukuumada Somaliland  Xalisay Dhamaan waxyaabihii Dibu Dhaca Ku Keenay in Laga faa’iidaystto Buuraha Cokan ee Sibidhka iyo Istambarka Berbera,  Haday Noqoto Ganacsatadii iyo Degaankii Reer saaxil,ba.

Mid Ka Mida Ganacsatada Waawayn ee Danaynaysay in ay Albaabada u Furaan wax Soo saarka warshada Sibidhka Berbera Ayaa warbaahinta u sheegay  Shabakada in Xukuumada somaliland ay dariiqii Ugu Macquulsanaa u Martay Sidii Looga  faa’iidaysan lahaa Khayraadka Dalka Khaasatan Buurahan Dihin ee Sibidhka.

Ganacsdahan Ayaa Wuxuu daboolka Ka Qaaday in ay Iska kaashanayaan Mashuucan Samaynta Warshada sibidhka Berbera Sadex Qolo oo kala ah,

1.Gancsato Isku Tagtay oo Reer Somaliland ah

2.Shirkada Dahabshiil

3. Ganacsade Carbeed oo Reer Kuwayt ah

Hadaba Hadii sida La Sheegay u Hirgalo mashruucan Samaynta warshada Sibidhka Berbera Waxaa Bilaabmi Doona Shaqo Abuur Badan oo Kumanaan Kun oo Qof Ayaa Shaqo Ka Helli Doona , Xukummada talada Somaliland haysana taariikh Ayay u Noqon Doontaa Hirgalinta warshadani.