Qaramada Midoobay Oo Baaq Digiin Ah U Soo Jeedisey Maamul Gobaleedyada Dawlada Somaliya .

0
784

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa u direy warqado uu ugu baaqayo maamulada Puntland,Galmudug iyo Jubbaland in ay ka reebaan xubno ka mid ahaa musharaxiintii Aqalka Sare ee ay soo gudbiyeen.

Keating oo mid ka mid ah qoraalada uu u direy maamulada, gaar ahaan tan loo direy Galmudug ayaa waxaa looga codsaday maamulka Galmudug inay liiska ka reebaan Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in heshiisyadii hore loo gaadhay ay ahayd in hogaamiye kooxeedyadii hore u soo maray dalka laga reebo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka.

Warqada loo direy maamulka Galmudug ayaa ku taariikheysnayd 14-ka Oktobar 2016, hase yeeshee maamulka Galmudug ayaa maanta qabtay doorashada  Aqalka Sare iyadoo loo malaynayo inay ka cararayeen qoraalka uu soo direy Keating.

Warar ayaa sheegaya in maamulka Galmudug ay soo gaadhtay maanta warqadan balse ay ka cudurdaarteen inay fuliyaan codsiga danjiraha Qaramada Midoobay maadaama waqtiga ay soo gaartayba la doortay General Qeybdiid.

Sidoo kale qoraalka loo direy Maamulka Puntland ayaa waxaa loogu baaqay inay liiska ka reebaan Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo hore ugaga mid ahaa dowladii hore ee Siyaad Barre.

Sidoo kale qoraal loo direy Maamulka Jubba ayaa loogaga codsaday in ay liiska ka reebaan C/fataax Maxamed Cali kaasoo hore ula soo shaqeeyay Xisbul Islaam.

Si kasta ha ahaatee maamulada Puntland iyo Jubba ayaan weli qaban doorashada Aqalka Sare lamana oga sida ay ka yeeli doonaan baaqa uu soo saaray wakiilka Qaramada Midoobay Keating.

war