Rug-cadaayo Siyaasadeed Oo Uu Hogaaminayo Eng Cali Xoor-xoor Oo La Filayo Inay Noqdaan Raaca Saddexaad Ee Miisaankooda Leh Ee Kusoo Biira Xisbiga WADDANI

0
1174

Jamaahiir taageerayaashooda wata oo uu hogaaminayo mareeyihii hore ee dekeda magaalada berbera Eng Cali Xoo-xoor ayaa la sheegay inay dhawaan ku biirayaan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,.

Waxaana arrintaasi dhaq-dhaqaaqeeda si xoogan looga dareemayaa magaalooyinka hargeysa,Berbera iyo Burco.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo xalay wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka fayday in siyaasiyiinta ugu miisaanka culus ee kasoo jeeda deegaanka gobolka saaxil oo uu hogaaminayo Eng Cali Xoor-xoor ay soo afmeerantay wada hadal ay kula jireen masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana la sheegay in hadda loo balansan yahay in loo qabto munaasibad lagu soo dhawanayo siyaasiyiintan iyo taageeradooda.

Waxaana arrintan qaban-qaabadeedu si wayn uga socotaa gobolada maroodi-jeex,Saaxil,iyo Togdheer oo siyaasiyiintan laga taageersan yahay.

Sida warbixintan nalagu siiyay waxay siyaasiyiintani iskugu jiraan siyaasiyiin rugcadaa ah oo saamayn wayn ku leh Somaliland.

Lama garanayo saamiga siyaasadeed ee uu gudoomiye Cirro oo maalmahan hawlo dardar galin siyaasadeed wadaa kula heshiiyay siyaasiyiintan kasoo jeeda gobola saaxil,waxaanay xogaha aanu helnay tibaaxayaan in qorshahani socday muddo dheer,isla markaana raga hogaaminayaa ay ku doonayaan sidii ay taageeradooda siyaasadeed ee dadka dega deegaanka gobolka saaxil marqudha ugu soo guuri lahaayeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Siyaasiyiintan miisaanka leh ee la filayo inay kusoo biiraan xisbiga WADDANI kana soo jeeda gobolka saaxil ayaa noqonaya raacii saddexaad ee bisha gudaheeda kusoo biira xisbiga WADDANI