Madaxweynaha Somaliland Oo Codsi U Gudbiyay Dawladda Ingiriska Iyo Nuxurka Codsiga.

0
1087

Madaxweynaha Somaliland Oo Codsi U Gudbiyay Dawladda Ingiriska Iyo Nuxurka Codsiga.

Warar xogogaal ah oo ay helayso Warbaahintu ayaa waxay sheegayaan in madaxwaynaha Somaliland codsi u gudbiyay dawlada ingiriiska codsigaas oo ah in wadahadaldii u socday Somaliland
iyo somaliya laga soo wareejiyo dalka turkiga balse ilahaasi waxay noo sheegin in aan codsiga madaxwaynaha aanu dooran dalka loo so warejinayo in uu sii wado wadahadaldii u dhaxeeyay Somaliland iyo somaliya balse waxaa soo baxaysa xog odhanaysa dalka imaraadka carabta oo isagu aad u danaynayo in uu sii wado wadahadaladii oo uu ka midha dhaliyo
Dalka turkiga ayay madaxda Somaliland ku eedaynaysaa in aanu dhex ka ahayn dhexdhexadinta uu ka dhex wado labada dal balse sida muuqata waxa uu in badan ka taageera somaliya dhanka horumarka wadooyinka cafimaad waxbarashada iyo tababarada ciidamada
Taas ayaa muujinaysa in aanu dhex ka ahyn oo uu garab taaganyahay koonfurta somaliya wana sida ku qoran dalabka madaxwayne siilaanyo u gudbiyay dawlada ingiriiska
Dhanka kale dawladaha khaliijka carabta ayaa aad u hadal haya maalgalinta ay dawlada imaraadku ku samaynayso dakada berbera oo ah goob sal dhig milatari u ahayd dawlado badan balse warbaahinta dalalka khaliijka carabta ayaa waxay ku tilmaameen fursad in badan banaanayid oo ay hantay dawlada imaraadku in ay la wareegto goob istarajiyada oo ka tirsan qarada Africa xadna la leh gacanka cadmeed
Balse khabiir ku takhasusay arimaha dhaqalaha ee dalka cumaan ayaa waxa uu sheegay in mar hore ahyid in dalka sucudigu la wareego gacanku haynta madaarka iyo dekeda berbara si uu uga duulo mararka ay yimadaan cabsi dhanka dawladaha khaliijka carabta oo yagu aan lahayin saldhig milatari oo ku yaala qarada Africa
Isku soo wada duubo waftiga madaxwaynaha Somaliland ee dalka ingiriiska ku sugan ayaa waxay ku hawlanyihiin sidii loo soo wareejin lahaa miiska wadahadalka ee Somalia iyo Somaliland