Halkan Ka Akhri Magaca Siyaasiga Loo Cumaamaday In Uu Noqdo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Dabadii

0
958

Warar hordhac ah oo soo if baxaya ayaa sheegaya in Shir  warbaahinta aan loo ogolayn uu hotel Ambassador ee magaalada hargeysa shalay galinkii danbe ku dhex maray siyaasiyiin,cuqaal,salaadiin iyo waxgarad ka kala socda laba dhinac  oo kala ah beesha gudoomiye Cirro kasoo jeedo iyo beesha gobolka Hawd.

Shirkan oo sida naloo sheegay lagu lafa guray arimo badan ayaa waxa qodobada kasoo baxay kamid ahaa in gudoomiyaha xisbiga WADDANI  loo magacaabo xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil jirde marka  uu baneeyo Cabdiraxmaan Cirro oo hadda ah gudoomiyaha iyo musharaxa xisbiga WADDANI.

Waxaana shirkan sida naloo sheegay kasoo qayb galay gudoomiye Cirro oo ay weheliyaan siyaasiyiin ka soo jeeda deegaankiisa, salaadiin iyo xubno ka mid ah guddida Talo Iyo Tawfiiq halka ay dhinaca kalana ka soo xaadireen xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ay weheliyaan xubno kamida  siyaasiyiinta xisbiga Waddani ee ay isku deegaanka yihiin, salaadiin iyo xubno ka mid ah guddida Afgarad.

Waxaana labada dhinacba sida  naloo sheegay ay kala saxeexdeen heshiisyo dhinacyo kala duwan leh  balse aan wali soo wada if bixin.