Dabaysha Is Baddal Ee Dalka Iyo Isla Waynida Madaxda KULMIYE Halkee sal-dhigan Doontaa.

0
1176

Tan iyo Wakhtigii uu Madaxweyne Siilaanyo loolanka ugu jiray Kursiga ugu Sareeya Dalka ee uu maanta ku fadhiyo waxa uu Xisbiga Kulmiye la soo kacaa kufayay Afxumo iyo Diblomaasiyad darada Ehelka u ah Kornaylada Xisbiga Kulmiye oo uu ugu horeeyo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin,Waxaan si gaar ah loogu Xasuustaa wakhtiyadii kala duwanaa ee Xisbiga Kulmiye soo maray Weedho aanu u meel dayin oo uu si Xushmo Daro ah ugu ganay Madaxweynihii Dimuqraadiyadda Somaliland horseedka u ahaa Md Daahir Riyaale Kaahin,kalmadahaasi dhagxumadii ay soo jiideen oo mudo badan ku qaatay inuu Xisbiga KULMIYE iska Maydho.

Madaxweynaha Talada Dalka haya Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wakhtigii uu Loolanka Madaxtinimada u tafo-xaydnaa, ayaa lagu xasuustaa Dhabar adayg badan,Dad urursi,Dulqaad iyo Samir uu u soo huray Kursiga,taasi oo gayaysiisay inuu ku guulaysto Codad aan lagu murmi Karin. Waxa sidoo kale lagu Xasuustaa sida uu iskaga ilaalin jiray Afxumada iyo deelqaafka dadku karaahiyaysto,Waxase dhibaatooyin badan iyo Hagardaamooyin ku hayay oo ka nixin jiray Hadalada Kornaylada Kulmiye adeegsan jireen ee ay ugu hanjabi jireen Xukuumadii Daahir Riyaale,Waxa si gaar ah mudo badan ku qaadatay inuu bulshada dhegahooga ka saaro hadal illaa imika wax la iska waydiiyo ujeedkiisa oo uu Maxamed Kaahin ku goodiyay Madaxweyne Daahir Riyaale,isagoo ugu hanjabay inuu Dhengad kaga saari karo Qasriga Madaxtooyadda,kaasi dadkii Kulmiye jeclaa ka nixiyay,islamarkaana Dood badan ka dhaliyay Kulmiye dhexdiisa,balse markii dambe la isla Qaatay inaan Kor iyo Hoosba hadal noocaasi oo kale ahi uga bixin kulmiye.Waxa uu wakhtigaasi Daahir Riyaale Ku Eedayn jiray Kulmye inay yihiin Fidmo wadayaal aan dalka Lagu aamin Karin.

Waxa hadda ay taagan tahay Kornayladii Xisbiga KULMIYE oo madaxtinimo u ordaya,Waxaana durba halkiisii ka miisay oo afka gacanta iska galiyay Kornayl Maxamed Kaahin oo qarsan kari waayay Anfariirkii uu ka qaaday Kooxdii uu Ex.Wasiir Xirsi Horkacay ee miisaanka cuslayd ee siyaasadoodii u raray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Weedho Diblomaasiyadda ka baxsan oo qalafsan oo uu kadaba tuuray Isbahaysigii Dimuqraadiyad Doonka ahaa ee Kulmiye ayaa waxa uu yidhi“taariikhda siyaasiga ah ee caalamka weli kama ay dhicin dhawr iyo toban wasiir oo madaxweynahoodii magacaabay Khaayinnimo ku sameeyey oo la arkay iyaga oo toorrida dhabarka kala dhacaya, dadkana waxan u sheegaya inay taariikhda ugub ku tahay waxa ay qoladaasi sameeyeen, qolada kale ee ay u tageenna waxaynu leenahay ilaahay beerkiina burcad ha isu mariyo, laakiin daacadnimada iyo khaayin-nimadu meel ma wada galaan”.

Waa kaaf iyo kala dheeri diblomaasiyadda darada Kornaylada Kulmiye ee Kursiga Madaxtinimada u ordaysaa u dhaqmayso iyo Qunyar Socoshada Siyaasada Qabaw ee ay Masuuliyiinta WADDANI Ku hagayaan Xisbigooda ee gayaysiisay inay Haldoorkii iyo Waxgaradkii Reer Somaliland u hanqaataan ku biiristiisa.Waxay tilmaamaan dadka Aqoonta Siyaasada la saaxiibka ahi in Guushii Xisbiga KULMIYE ka gaadhay Doorashii Madaxtinimada ay horseed u ahayd Deganaanshiyihii iyo bisaylkii siyaasadeed ee Madaxweyne Siilaanyo ku hagayay oo aanay wax door ah ku lahayn Halgankaasi Kornaylada hadda dhaxlay Xisbiga Kulmiye,oo raggii ku lahaa ay Hadda dibada ka joogaan Xisbiga.