Wasiir Xaglo-Toosiye “Muuse Biixi Laba Jeer Buu Mujaahid Yahay Oo Mar Waa Darwiish, Marna Waa SNM, Innagana Waxaa La Inaga Rabaa……”

0
1055
Wasiir Xaglo-Toosiye

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye, ayaa si weyn u amaanay shakhsiyadda iyo taariikhda uu leeyahay murrashaxa xisbgia KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana uu tilmaamay inuu yahay qof mudan inuu dalkan hogaamiyo.

Wasiir Xaglo-toosiye oo bulshada reer Somaliland eek u dhaqan magaalada Bristol la hadlayey, ayaa sheegay in guddoomiye Muuse Biixi yahay shakhsi taariikhdii daraawiishta ku sifaysan, isaga oo halgankii daraawiishtana ku tilmaamay  halgan ay galeen dad reer Somaliland ahaa, “Muuse Biixi xaggayaga darwiish buu ka qoran yahay, daraawiishtuna waa halgamayaal reer Somaliland, marka heesta calanka la qaadayo-na qolada u sadqaysay nafta qolada SNM-ta uun ha moodinee daraawiish baa ka horraysay.” Ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.

Saleebaan Xaglo-toosiye oo hadalkiisa sii wata, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu guddoomiye Muuse Biixi taariikh SNM iyo middii SNM-ba leeyahay, waxana uu bulshada ka codsaday inay u guntadaan sidii uu xisbiga KULMIYE u guulaysan lahaa, waxana uu yidhi,“Muuse Biixi  laba jeer buu mujaahid yahayoo marna waa darwiish, marna waa SNM, innagana waxa la inaga rabaa sidii uu xisbiga KULMIYE u guulaysan lahaa, madaxweynihiina wuu inoo muuqdaa laakiin dedaal baynu u baahanahay.”.

Wasiirku waxa uu shacabka gudaha iyo kuwa dibaddaba ku guubaabiyey inay u guntadaan baadi doonka loogu jiro sidii uu mar labaad xisbiga KULMIYYE ugu soo noqon lahaa hoggaanka dalka, si uu dhamaystiro qabyooyinka waxqabadka uu muddada dheer kusoo jirey.