Hoggaanka KULMIYE Oo Ra’yul-caamka Xasuusiyey Dakannooyinka Uu Qaranku Tirsanayo Ee Ay Geysteen Kooxda Uu Kibirku Shaan-shaan Ka Riday Ee Xirsi Dembaabo “

0
900

“Taariikhda Siyaasiga Ah Ee Caalamka Weli Kamay Dhicin Dhawr & Toban Wasiir Oo Madaxweynahoodii Toorrey Dhabarka Kala Dhacay, Waxa Ay Qoladaasi Sameeyeenna…..” Maxamed Kaahin Gudoomiye ku Xigeenka Kulmiye.

Hoggaanka xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa si adag u dhaliilay xubnihii sanadkii hore iska casilay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ee dhawaan ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxana ay ku tilmaameen xubno guuldarraystay oo siyaasaddu ka oodan tahay.

Ku-simaha guddoomiyaha, ahna guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, Md Maxamed Kaahin Axmed iyo afhayeenka xisbigaas Xasan Maxamed Cali(gaafaadhi)oo jawaab sagootin iyo sifayn shakhsiyadda xubnaha xisbiga WADDANI ku biiray hawada u mariyey, ayaa  si isku mid ah xubnahaas ugu sifeeyey qaar khiyaamo dalka ula badheedhay, isla markaana karaamadii uu xisbiga KULMIYE dusha ka huwiyey si lama filaan ah u tuuray.

Ugu horrayn afhayeen Xasan Gaafaadhi oo xubnaha ku biiray xisbiga WADDANI ka hadlay, ayaa sheegay inay xubnahaasi ahaayeen rag ka faa’iidaystay xisbiga KULMIYE, ilsma-markaana isku dayey inqilaab dhicisoobay, “Qolyihii xisbiga iyo xukuumadaba kamidka ahaan jirey ee dhawaan tegay waxan leeyahay marka hore waanu idin sagootiyeynaa, halka aad tagteenna waxa aad ku biirisaan waa la arki doonaa, waxanse isleeyahay raggaasi waa raggii xisiga kuraastiisa ku fadhiyey eek u liibaanay, madaxdana inoo ahaa lixda sanadood, sida ay ku tageenne waxa ay ahayd si milgihii lagu doortay aad uga duwan, waxana aynu ognahay inay isku dayeen inqilaab dhicisoobay, runtiina inqilaab dhicisoobay buu ahaa.” Ayuu yidhi afhayeen Gaafaadhi.

Afhayeen gaafaadhi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanay xubnahaasi xisbiga WADDANI la gelaynin mucaaradad ka dhan xisbiga KULMIYE, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay heli Karin xilalkii ay muddada dheer ka hayeen xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, waxana uu yidhi,“maanta xubnahaasi rag xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa midna wax ka sheegi kara ma aha, haddii ay dhaliil sheegaana dhaliishu waa mid iyaga dulsaaran, xisbiga WADDANI-na kollayba mucaarad ay xisbiga kulmiye iyo xukuumadda ku dhaliilaan lama gelayaa, xilalka ay ka tageenna meelna kama helayaan, ninka Siilaanyo ka tegayna waxan filayaa meeshii kale ee uu tagoba ku raagi maayo.”

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna ku-simaha guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed,  oo isaguna farriin u diray xubnaha ku biiray xisbiga WADDANI ayaa hoosta ka xarriiqay inay raggaasi ahaayeen khiyaamoolayaal aan la aamini Karin, marka la eego nidaamkii ay xukuumadda uga tageen, waxana uu yidhi, “taariikhda siyaasiga ah ee caalamka weli kama ay dhicin dhawr iyo toban wasiir oo madaxweynahoodii magacaabay Khaayinnimo ku sameeyey oo la arkay iyaga oo toorrida dhabarka kala dhacaya, dadkana waxan u sheegaya inay taariikhda ugub ku tahay waxa ay qoladaasi sameeyeen, qolada kale ee ay u tageenna waxaynu leenahay ilaahay beerkiina burcad ha isu mariyo, laakiin daacadnimada iyo khaayin-nimadu meel ma wada galaan.”

Guddoomiye Maxamed Kaahin isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray,“maalintii 12-wasiir ay meesha ka dhaqaaqeen ku talogalkoodu waxa uu ahaa Kulmiye wuu burburayaa, Axmed Siilaanyo xukuumadiisuna way burburaysaa,Kulmiye oo kamid ah xisbiyadii dalka ugu horreeyey oo soo gaamuray oo  dad badan oo halgamaa ahi ku jiraan gudo iyo dibadba oo isagana sida uu dhidban yahay aanay koox yari lii-liijin Karin, labadaas mid walba way ku khasaareen.”