Madaxweynaha Somaliland Oo Aqbalay In Dawladda Imaaraadka Carabtu Saldhig Ka Samaysto Magaalada Berbera

0
1069

“Imaaraadka Carabtu waxay Madaxwaynaha waydiisteen Inay Saldhig ka sameystaan magaalada Berbera, Diblumaasiyadda Ayay Ka Mid Tahay Oo Madaxweynuhu..” Wasiirka Duulista Oo Weftiga Madaxweynaha Ka Mid Ahaa

Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta ka aqbalay codsi ay kaga dalbadeen in Saldhig Ciidan ay ka sameystaan magaalada Berbera.

Madaxwayne Siilaanyo oo maalmihii u dambeeyay safar ku joogay dalka Isu taga imaaraatka Carab, ayaa ka hor intii aanu uga gudbin Dalka Ingiriiska oo uu Wakhtigan ku sugan yahay waxay Dawladda Imaaraadku ka codsatay in saldhig Ciidan ka sameystaan Berbera, Codsigaasi oo uu ka aqbalay.

“Waxaa jira oo xaqiiqo ah, Imaaraadka Carabtu waxay Madaxwaynaha waydiisteen Inay Saldhig ka sameystaan magaalada Berbera, waa Codsi ee Heshiis lama gelin, Madaxweynuhu wuu ka aqbalay (Codsiga) oo diblumaasiyadda ayay ka mid tahay, ” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo ka mid ahaa Weftigii Madaxweynaha ku wehelinayey Socdaalkii uu ku tagay Dalka Imaaraadka Carabta oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa oo uu dib ugu soo laabtay, markii Madaxweynuhuna uu Imaaraadka uga gudbay Ingiriiska.

Wasiirku wuxuu sheegay in Dalalka la jaarka ah Somaliland ay faa’iido weyn ku qabaan Saldhigyada Ciidanka ee dalalka shisheeye ku leeyihiin Waddamada Geeska Afirka isagoo Tusaale u soo qaatay dalka Jabuuti, “Jabuuti ayaa inoogu dhaw oo waxay ka faa’idaystaan Saldhigyada ciidamada ee dalalka Shisheeye, Jarmal, Maraykan, Shiinaha iyo Faransiisbaa ku leh, waa xirfad la is dheer yahay.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku daray, “Madaarka Berbera hore waxaa uu u ahaan jiray Saldhig Ciidan oo ay leeyihiin Waddamada Ruushka iyo Maraykanka”