Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo In Uu Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyo Iyo Xogaha Laba Shir Doceed Oo Ay Hargeysa Ku Qabteen Wasiirada Iyo Madaxda KULMIYE

0
1178

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa inuu saddex bilood gudahood ka dib mar kale galka seefta ka saaro oo uu sameeyo xil ka qaadis,magacaabis iyo isku shaandhayn.

Warar Geeska Africa helay ayaa sheegaya in madaxwayne siilanyo la filayo in marka uu soo noqdo inuu golahiisa xukuumadda ku dhex dhaco ,waxaana talaabadan madaxwaynaha laga sugayo dabada ka riixaya madaxda xisbiga KULMIYE oo isha ku haya wasiiro badan oo ay aaminsan yihiin inaanay awood siyaasadeed ku lahayn deegaanadooda.

Madaxda KULMIYE ayaa soo jeedintan madaxwayne Siilaanyo ku qanciyay kadib markii maalmihii lasoo dhaafay xisbiga WADDANI ee mucaaradka ah ku biireen siyaasiyiin miisan culus,kuwaasi oo madaxtooyada iyo madaxda xisbiga KULMIYE isla qaateen inaanay wasiiraddani lahayn awood ay ugu babac dhigaan daruuraha mucaaradeed ee isa soo qabsaday.

Warku waxa kale oo uu sheegay inaan wali madaxwayne Siilanyo lagu qancin inuu wasaaradda ka badalo wasiir muhiim ah oo ay madaxda xisbiga KULMIYE u arkaan inuu caqabad ku yahay ololahooda,gaar ahaana dhinaca dhaqaalaha.Madaxwaynaha iyo la taliyayaashiisa ayaa diidan in wasiirkan la taabto.

Siyaasiyiintii labada maalmood ee isku xiga ku biirey xisbiga WADDANI ayaa waxay dood iyo hadalo ka dhex dhaliyeen xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.

Waxaana geesta kale magaalada hargeysa ka socota shirar ay wadaan masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ,kuwaasi oo ka tashanaya sidii ay taageerayaashooda u ilaashan lahaayeen isla markaana uga tashan lahaayeen sidii ay uga hor tagi lahaayeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Laba shir oo kala duwan oo aanay haasaawe ka sokow midna wax la isku raacay kasoo bixin ayaa shalay ka qabsoomay magaalada hargeysa,waxaana kaliya lagaga sheekaystay xaalada siyaasadeed ee soo korodhay iyo sidii la isku abaabuli lahaa ee loo xoojin lahaa KULMIYE.

Waxaana sida ay wararku sheegeen labada shir laga dhex arkay aragtiyo kala duwan oo ay qabaan wasiirada xukuumadda iyo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE .

Madaxda KULMIYE ayaa wasiiro xukuumadda ka tirsan u arkay inay dayaceen deegaanadii ay kasoo jeedeen,halka ay wasiiraduna aaminsan yihiin in KULMIYE ku dhisan yahay awooda xukuumadda ay ka tirsan yihiin ee aanu lahayn qorshe siyaasadeed oo cad.