Burbur iyo qashin Dhex daadsan Garoonka Tima-cadde Oo ah Gegida Loo Qoondeeyay Inay Tartanka Ciyaaraha Gobolladu Ka Dhacaan

Garoonka kubadda Kolayga Tima-cadde oo martigelinaya ciyaaraha gobollada Somaliland oo qabsoomaya toddobaadka dambe ayaa laga dayriyey xaaladdiisa, gaar ahaan dayacnaan iyo burbur ku yimid.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) oo ka mid ah ruug-caddaaga ciyaaraha kubadda Kolayga ee Somaliland, isla markaana ka mid ah dadka iyagu sida tooska ugu xidhan garoonka ee aan ka dhex bixin daawasheeda , mararka qaarna isaga iyo intii cuslaatay isku kala bixiyaan, ayaa garoonka gudihiisa ugu warramay CADALOOL, oo booqatay gegida Timacadde, waxaana uu ka sheekeeyey wakhtigii la sameeyay garoonka kubadda Kollayga Timacadde iyo marxaladihii ciyaaraha kubbada Kollayga ee la soo maray, haatana duruufaha adag ee garoonkaas ka jira, cidda dayacday, halka la mariyey kharashka dayactirka ee miisaaniyadda ugu jira. “garoonkan waxaa la dhisay 1982-kii, waxaa dhistay dawladdii hore ee Siyaad Barre, ilaa iyo imika aniga oo lixdan jir ah ayaa waxaanu isku haysanaa garoonkan kuwa 12-jirka ah. Wax Allaaliyo wax lagu soo kordhiyay ma jirto, waana garoonka keliyaata ee ay Hargeysi leedahay wax maanta lagu qaban karo tartan ciyaareed oo kubedda kolleyga ah. Sannad walba miisaaniyadda waa lagu soo daraa dayac tirkiisa.” Ayuu yidhi xildhibaanku

Labada Riin ee ku xidhan garoonkaasi ayaa ah kuwa aan is lahayn, waxaana riimanka ku xidhan midi ka samaysan yahay loox, halka midka labaadna Muraayad ka yahay. Amuurta kale ee layaabka badan ayaa waxay tahay, in muddo toban sano aan garoonka Tima-cadde ee kubadda Kollayga, laga beddelin riimanka, oo ay labadaas riin ee kala noocaha ahi ka laalaadeen  halkaas.

Ma jiraa wakhti xaadirkan cid garoonkaasi u maqan oo lagaga jiifsanayo dayactirkiisa, iyadoo maalmo koobanina ka hadhsan yihiin bilowga tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland ayaa Xildhibaan Warfaa markale waxa uu yidhi “waa aragtaan garoonkii, garoon tartan ciyaareed lagu qaban karo ma ah, wuu jajaban yahay, xariijimihii calaamadaha ahaa ma laha, waa lagu sii banayaa, waa lagu jabayaa. cid Allaala cid daryeelaysaa ma jirto, cid dan ka lihina ma jirto, si walba waanu u hadalnay annaga oo ah kuwa ugu waaweyn ciyaaraha kubadda kollayga.” Ayuu yidhi xildhibaanku, oo sidoo kalena sheegay inay jirtay lacago (Contribution) ay iskaga urursheen dhexdooda, si ay qashinka iyo waxyaabaha yaryar ee ciiddu kamid tahay looga xaadho. “xata lacag baanu iska ururinay oo aanu u samaynay garoonka, wax ka qabsoomaya oo jiraa, ma jirto.”

Xildhibaanku waxa uu farta ku goday dhaliilo dul hoganaya wasaaradda ciyaaraha oo uu sheegay inay meesha ka maqan tahay doorkii ay ku lahayd. “wasaaraddii ciyaaruhu dhiirigelin wax layidhaa haba yaraatee ma samayso, waana ayaandarro sideeda u taalla. Annagu berigii aanu ciyaaraha gobollada u ciyaari jirnay, Regim-kii hore ee Siyaad Barre, wuu noogga daryeel badnaa, kubadduu noo keeni jiray, garoomuu noo keeni jiray, tababaruu noo keeni jiray, waxaanu ahayn dad hiigsanayay seria A iyo aanu noqon oo intaanu ka tagno gobollada Xamar iyo  aanu u ciyaarno oonu hiigsano heer Caalami. Immika innamadii seria A-da amma heerka koowaad ahaa ugu yaraan afar iyo labaatan baa lix bilood kahor tahriibay, markay arkeen inaanay wax mustaqbala lahayn. Kuwii ku xigayna way ku dabajiraan oo way ka tahriibayaan. Taas daraadeed wasaaradda ciyaaraha waxaan ku boorinayaa amma ku adkaynayaa in xilka ay ummadda u hayso siday tahay uga soo baxdo, oo aanay xafiiskuun fadhiisane, garoomaday ka musuul tahay, waa wasaaradda ugu ballaadhan haddii ay wax u qabanayso dhalinyarada.” Ayuu xildhibaanku yidhi.

Waxaa kale oo xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) ka hadlay xidhiidhka kubadda Gacanta ama Kollayga oo uu sheegay in maqoolkoodu ku cusub yahay “xidhiidh waxa jira baan maqlay la yidhahdo xidhiidhka kubadda gacanta, anigu kumaba arkin garoonka dhexdiisa, 24-ka saacadoodba waan taagannahay, oo waan la socdaa, la ciyaaraa, ka war hayaa siduu mooralkoodu yahay, weli nin xidhiidh ciyaaro oo kubadda Kollayga oo halkaa yimaada, oo innamadaa la hadla ma hayo, mana arkin.” Ayuu kusoo afmeeray xildhibaanku hadalkiisa