Wasiir Sheegtay In In Dad Gaar Ah La Siiyey Dhulkii Iyo Dhismeyaashii Ay Wasaaraddeedu Ku Lahayd Deegaanka Berbera

0
640

“Dhul Hal Killomitir & Dheeraad Ah Oo Ay Wasaaraddu Ku Lahayd Waa Nalaga Qaaday, Oo Waa Lasii Kala Iibsaday, Welina……’

“Xaruntii Wasaaraddu Ku Lahayd Magaalada Berbera Nin Baa Yidhi Anigaa Lay Siiyey Oo Illaa Madaxweynaha Ayey Socotay, Cidda Xafiis Bixin Kartana Waaban Yaabanahay”

Wasiirka wasaaradda Reer miyiga iyo horumarinta deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa shaaca ka qaadday in la bililiqaystay dhulkii iyo dhismayaashii ay wasaaraddu ku

lahayd xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, waxana ay sidoo kale walaac weyn ka muujisay dhibaatada kala oodashadu ku hayso dhulka Somaliland. Wasiir Shugri oo maalintii shalay hortimi guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, ayaa ugu horrayn ka hadashay dhul ay wasaaraddu ku lahayd magaalada Berbera oo ay tilmaamtay in marar badan lasii kala iibsaday, isla-markaana weli wasaaradda ka maqan, “dhul 1Km iyo dheeraad ah oo ay wasaaraddu ku lahayd waa nalaga qaaday, dhulkaas waalasii kala iibsaday, welina dhul-beddel nalagama siinin, waxana uu ahaa dhulkii Nursery-ga ahaa ee dhirta laga beerayey, ayuu ahaa, xarunta Hargeysa-na reer baa dhex deggen.” Ayey tidhi marwo Shugri. Wasiirku iyada oo hadalkeeda sii wadata, ayey sheegtay in xafiiskii ay wasaaradeedu ku lahayd magaalada Berbera nin shacab ah la siiyey, iyada oo wax lala yaabo ku tilmaamtay in xafiisyadii wasaaradda cid gaar ah la siiyo, waxana ay tidhi, “Xaruntii wasaaraddu ku lahayd magaalada Berbera nin baa yidhi anigaa beri lay siiyey, ilaa madaxweynaha ayey socotay, waana xaruntii xafiiska dhexdiisa meesha ninkaasi sheeganayaa, cidda xafiis gudihiisa bixin kartana waaban yaabanahay.” Marwo Shugri waxay sidoo kale walaac weyn ka muujisay dhul boob lagu hayo dhulkii daaqa ahaa ee dalku lahaa, waxana ay tilmaamtay in qofkasta oo ooddaas loosoo xidho dad madax ahi daba socdaan,“Dhulka soconaya habeen iyo maalin walba waa loo casaynayaa, waa la caddaynayaa, marka aad qof soo qabatana boqol qof oo wasiirro iyo cuqaal iskugu jira, ayaa daba socda oo yaab baad u go’aysaa.” Ayey tidhi wasiir Shugri. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare waxa ay sheegtay in waddanku kusii socdo in reer waliba meel gaar ah iska xidhaan oo aan loogu imanin, waxana ay tidhi,“in dadka la yidhaahdo reer hebelow reer Hebel halkaas ha u dhaafina oo marka uu roobku da’ayo uma soo gudbi kartaan oo aynu khayd u kala dhigno oo aynu nidhaahno haddii hogoshu hillaacdo halkaas ma dhaafi kartaan, ayuun baa hadhay.” Ugu Dambayntii waxa wasiir Shugri ay sheegtay in xukuumaddu dhawaan soo celin doonto seere-xilliyeedkii si nolosha xoolaha xil la iskaga saaro,“2017-ka xukuumadda waxa ka go’an inay seero-xilliyeedkii dib usoo celiso, waayo waa waxa kaliya ee xooluhu ku baxsan karaan, innagu waynu gurguuranaynaa oo sida cimiladu isku beddelayso iyo hawsha inoo taalla isma laha.” Ayey tidhi wasiir Shugri.