War Deg Deg Ah:-Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumada Oo Shil Gaadhi Ku Dhaawac May.

0
877
Shilkan gaadhi oo ka dhacay deegaanka biyo shiinaha oo dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada hargaysa ayaa waxa ku dhawaac may wasiirka diinta iyo aw qaafta Somaliland sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,xog-hayaha guud xisbiga kulmiye xasan siciid yuusuf iyo siyaasi maxamed axmed Caalin(Tiinbaro)oo ka tirsan xisbiga kulmiye.
Masuuliyiinta oo ka mid ahaa wafti uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo kormeer ku soo marayay deegaanada laga soo wado mashruuca biyo balaadhinta caasimada hargaysa ayaa dhaawacoodu yahay mid fudud.