Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ugu Baaqay Qaadhaan-bixiyeyaasha Inay Kordhiyaan Saamiga Deeqaha Ay U Qoondeeyeen Somaliland.

0
1269

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ugu baaqay dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha inay kordhiyaan deeqaha ay Somaliland siiyaan si guul la taaban karo looga gaadho baraamijka maamul daadejinta.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirkii u horeeyay ee noociisa ah ee qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Hay’adaha caalamiga ahi si rasmiya ugu qabtaan Somaliland barnaamijka hab maamulka dawladaha hoose ee dalka oo hore ay ugu qaban jireen dalka dibadiisa.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed uu shirkan ka soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), waxaanu tafaasiil kaga bixiyay shirkan iyo qoddobadda ajandaha u ah ee lagu falan-qeyn doono saddexda maalmood ee uu socdo. War-saxaafadeedkaas oo dhammaystirani waxa uu u qornaa sidan:-

“Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL, ayaa ka qeyb galay Shirka Hab-maamulka Dawladaha Hoose (Local Governance Conference) oo ka furmay Huteelka Ambassador, kaasi oo socon doona 11-ka ilaa 13-ka Oktober 2016. Shirkani wuxuu salka ku hayaa bernaamijka la magac baxay Bernaamijka Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose ee Jam. Somaliland (Somaliland Joint Programme on Local Governance-JPLG) kaasoo muddo dhawr sanno ahba ka socday qaar ka mid ah Degmooyinka iyo Gobollada JSL. Bernaamijkan waxa qaranka (siyaasad ahaan) uga masuul ah Xafiiska M/weyne-ku-Xigeenka JSL, halka Wasaaradda Arrimaha Guduhuna ay masuul ka tahay fulinta iyo hirgelinta mashruuca JPLG.

Iyadoo laga duulayo muhiimadda iyo mudnaanta ay Maamul Daadejintu u leedahay horumarka Qaranka, Dawladda Somaliland waxay 7 sanno ka hor bilowday in bernaamijka JPLG si dhab ah loo hirgeliyo si Dawladaha Hoose looga caawiyo saddex dhinac oo kala ah: curinta Siyaasadda (Policy Development), kobcinta xirfadda iyo aqoonta (Capacity Building) iyo bixinta adeeg hufan (Service Delivery). Ujeedada ama himilooyinka ugu muhiimsan ee ay Dawladaha Hoose ka leeyihiin bernaamijka JPLG-ga waxa ka mid ah: in la kordhiyo isticmaalka iyo u-sinaanshaha adeegyada guud ee bulshada (increase access to public services); kaabayaasha adeegyada bulshada (public infrastructure); kobcinta fursadaha dhaqaalaha (economic opportunities) iyo kobcinta awoodda bulshada degaannada si ay ugu tallaabsan karaan horumar muuqda oo aayatiin leh (empowerment of local commuinities while enhancing a sustainable local development).

Sida muuqata, Xukuumadda Somaliland waxay horumar muuqda oo la taaban karo ka gaadhay tayaynta Maamulka iyo Adeegyada Dawladaha Hoose. Horumarkan waxa si weyn looga dheehan karaa Gobolladii uu Bernaamijka JPLG ka hana qaaday, sida Awdal, Maroodijeex, Saaxil iyo Togdheer. Arrintu si kastaba ha ahaatee, shirkan uu Madaxweyne-ku-xigeenku ka furay Huteelka Ambassador wuxuu ahaa shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay Dawladda Somaliland suurto gelisay in lagu qabto dalka gudihiisa, kaasoo hore loogu qaban jiray dalka dibadiisa. Shirkaasi wuxuu ahaa mid kulmiyey Hay’ado badan oo Dawli ah, kuwo aan Dawli ahayn, Ururrada Bulshada, Waddamada bixiya dhaqaalaha iyo Hay’ado ka tirsan UN-ta, kuwaasoo dhammaantood uu Bernaamijka JPLG-gu khuseeyey.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL wuxuu shirka ka soo jeediyey hadal kooban oo dhinacyo badan taabanayey. Wuxuu aad ugu mahad naqay dhammaan ka soo qeyb-galayaasha Shirka, sida Wasiirrada, Maayarada, Agaasimayaasha, UN-JPLG team iyo Waddamada bixiya dhaqaalaha mashruucan. Sidoo kale Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu mahad naq ballaadhan iyo hambalyaba u soo jeediyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xoghayaha Xafiiska Madaxweyne-ku-xigeenka u qaabilsan mashruuca JPLG.

Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda iyo mudnaanta uu Bernaamijka maamul daadejintu u leeyahay Qarankeenna, gaar ahaan Maamullada Dawladaha Hoose iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in laga faa’iidaysto. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay tahay siyaasdda Xukuumadda Dhexe in loo adeego dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshadeenna isla markaana la gaadhsiiyo adeegyada ay bulshadu xaqa inoogu leedahay. Sidaa darteedna ay Xukuumadda Dhexe ka go’an tahay inay dhiirri geliso sidii ay Wasaaradaha iyo Maamulka Dawlada Hoose si dhab ah uga wada shaqayn lahaayeen Bernaamijka maamul daadejinta.

Shirka Hab-maamulka Dawladaha Hoose (Local Governance Conference) waxa Madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Arrimaha Bulshada, Wasiir-ku xigeenka Qorshaynta, Wasiir-ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Maayarka Caasimada, Af-hayeenka Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Madaxda Hay’adda UNDP CD iyo madax kaleba.

Gebagebadii, Madaxweyne-ku-xigeenku wuxuu mar kale si cad u sheegay inay tahay masuuliyad saaran xafiiskiisa sidii guul iyo horumar looga gaadhi lahaa Bernaamijka maamul daadejinta. Sidoo kale wuxuu Waddamada bixiya dhaqaalaha horumarinta Somaliland uga mahad naqay taageerada ay xagga horumrinta ku bixiyaan, isagoo ugu baaqay inay kordhiyaan saamiga deeqaha ay ugu tallo galeen in lagu horumariyo JSL, taasoo dalka u suurto gelin karta in Bernaamijka maamul daadejinta lagu fidin karo degmooyinka iyo gobollada bernaamijka JPLG aanu ilaa hadda ka hirgelin.”