Xisbiga WADDANI Oo Ruuxdii KULMIYE Ee Doorashadii 2010-ka Mid La Nooci Gashay Iyo Cirro U Muuqda Murashaxa Ugu Xoogan Ilaa Hadda.

0
977

WADDANI oo qaabilay Taageerayaashii Ugu Badnaa Ee Abid Xisbi Ku Biira Iyo Isbahaysiga Oo Noqday Cududii Ugu Waynayd Ee Hal Mar Xisbi Ka Wareegta Mid kalena U Wareegta

Xaflad si ballaadhan loo soo agaasimay oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayey bahweynta siyaasiyiintii isbahaysiga dimuqraadi doonka KULMIYE, mas’uuliyiin kale iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Maansoor ee Hargeysa.

Siyaasiyiintan oo ay hormuud u ahaayeen wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyada, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, wasiirkii hore ee cadaaladda, wasiirkii hore hawlaha guud iyo guryeynta, wasiirkii hore ee waxbarashada, wasiirkii hore ee biyaha, wasirkii ku xigeenkii hore ee dib-u-dejinta, wasiir ku xigeenkii hore ee ganacsiga, wasiir ku xigeenkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta, agaasimeyaal, xildhibbaan Waabeeye oo ahaa guddoomiye u xigeenkii labaad ee KULMIYE, Xildhibbaan Cabdiraxmaan Talyanle oo isna ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee Afraad ee KULMIYE , safiiro iyo siyaasi miisaan culus ka leh saaxadda siyaadda dalka iyo guud ahaan ba geeska Afrika, ayaa waxa kale oo goob-joog ka ahaa guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano, madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin kale oo aad u tira badan.

Boqolaal ka mid ah taageerayaasha isbedel doonka ah ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa lu laayey calanka liimiga ah ee astaanta u ah xisbiga WADDANI sida oo kale na ku dhawaaqayey hadalo iyo erayo badan oo muujinaaya sida ay ula dhacsan yihiin hoggaaminta Xisbiga WADDANI iyo in ay hormuud ka noqdaan isbedel dhabba oo ka tisqaada guud ahaan dalka Somaliland, iyaga oo hadalo ay munaasibaddaasi ka soo jeediyeen ku muujiyey taageerada buuxda ee ay u hayaan Xisbiga WADDANI.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Siyaasi Xamarje, Xildhibbaan Rayte iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan oo ka mid ah xisbiga oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn si ballaadhan u soo dhaweeyey siyaasiyiinta miisaanka culus ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI, waxaana ay sheegeen in ay is weheshan doonaan xulafada cusub ee ay midoobeen isla mar ahaantaana ay sida oo kale ku faraxsan yihiin isku aragti iyo hadaf ba noqdaan siyaasiyiin ay shalay kala Xisbi iyo aragti ba ahaayeen.

Siyaasiyiin Isbahaysiga Dimuqraadi-doonka KULMIYE oo iyagu na badidoodu ba halkaas ka hadlay, ayaa sheegay.

“Maanta (shalay) waa maalin nagu qaali, waxa aanu u faraxsanahay in aanu ku soo biirno oo aanu midowno Xisbiga WADDANI, sharaf waxa noo sharaf ah in aanu madashan aanu kaga dhawaaqno in taageerayaashayadu ay codkooda sidduu u dhan yahay ay siiyaan Xisbiga WADDANI, waxa aanu aragnay iftiinka baxaaya ee Somaliland nooga muuqday xisbi aan la kala sheeganeyn, midnimo ka jirto, wada-tashi ka jiro, la isku kaashanayo siddii dalka loogga shaqeyn lahaa horumarkiisa.”.Ayaa ka mid ahaa nuxurka erayada siyaasiyiin badan oo ka mid ah Isbahaysiga.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan oo dhankiisa isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ku soo biro Xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in doonayaan in ay dalka ka badbaadiyaan maamul xumo soo wajahda.

“Aad baanu ugu faraxsanahay in aanu ku soo biirno Xisbiga WADDANI, ha noqdo WADDANI kii guuleysta, aan ahaano kuwii isku tiirsada, WADDANI ha noqdo kii guuleysta Isha Allah , aniga iyo kooxda uu hoggaaminaayo Maxamed Biixi Yoonis guusha ma hayaan, Illaahay baa guusha haya, aynu dhammaanteen isku xidhnaano oo isku duubnaano. Waxa aan aad iyo aad ugu kalsoonahay in aad ahaydeen Xisbi qiimo badan oo waxa aan arkaynay sidii na loo qiimeynaayey ee intaas oo jeer na loogga daba-yimi, sannadkaa aan bannaanka joogay na waxa aan guddoomiyaha u qirayaa in uu yaha hoggaamiye, waxaana aan xasuusta in uu illaa lix jeer wax ka badan uu albaabkeyga soo garaacay oo uu ii yimi oo uu muujiyey in uu daneynaayo, saaxiibaddeyna nin aanu isla taagin ma jiro, nasiib darro na ninkii Xisbiga KULMIYE murashaxiisa loo cumaamaday xattaa sidaa Cabdiraxmaan habeena ismuu odhan ka daba tag bal in ay ku yeelaan.”.Ayuu yidhi Wasiir Xirsi biixi

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr.Maxamed Biixi Yoonis oo isna halkaas ka hadlay, ayaa faah faahiyey afdaafta guud iyo mabaadii’ da ay isla qaateen Xisbiga WADDANI.

“Waxa aanu ku raacnay Xisbiga WADDANI, waa mabaadii’ aanu isla qaadanay oo halkaas ku qornay, hawlahaas culus ee wadanka lagu badbaadinaya na waxa aanu galnay in aanu Xisbiga WADDANI ku dhaqmaan, fikrad cusub aanu u keeno, hoggaankeeda aanu wax maamulno, tallo la wada lee yahay oo ka gedisan tii hore ee juujuub ka ahayd in aanu maanta ku soo biirno.”.Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:

“Runtii kelmadahu waa ay igu yar yihiin aan ku cabiri lahaa farxaddeyda maanta oo shalay farxad bay ahayd, maanta na way ka sii weyn tahay, waxa aan si qalbi furan oo laab furan aan Xisbiga WADDANI ugu soo dhaweynayaa raga halkan ku sawiran, hablaha iyo inta kale ee ka maqan een sawiraddoodu halkan ku oolin ee Isbahaysiga ah, cududoodii na halkan ku soo biiriyey, waxa aan lee yahay waa Xisbi aan maanta laga lahayn ee soo dhawaada.”. Walaaleyaal ragga halkan joogaa, rag xilal doonaya may ahayn oo waxa ay hayeen oo ku fadhiyeen xilalkii qaranka ugu waaweynaa oo mid kastaaba xil buu ku fadhiyey, haddii ay xilal hayaan iyo haddii ay rabbaan ba halkaas bay joogi lahaayeen, se waa kuwii halkan ka sheegay badbaadada Somaliland oo ay doonayaan in ay ka badbaadiyaan maamul xumo ku timaada Somaliland, annagu na taas baanu la qaadanay, ragga halka joogaa maanta waxa ay yimaadeen Xisbi la wada lee yahay oon la kala lahayn, waxa ay yimaadeen Xisbi aan la is-garbinayn se la is garabsanaayo. Beryahan dambe KULMIYE aad buu u faanaa, faanka uu ku faana na waxa aan is lee yahay waa inta halkan maraysa wax-qabadkoodii, waxaana ay diyaar u yihiin in intii ay halkaa ka qabteen iyo in ka badan ba in ay halka na ka sii wadaan.”.

Ugu dambayn xisbiga WADDANI ayaa todobaadkan muuqaal ahaan u egaaday sidii uu noqday xisbiga KULMIYE sanad kahor markii a doortay taasoo ay shacbiga Somaliland iyo siyaasiyintii wakhtigaasi si isdaba joog ah ugu soo biirayeen balse isbahaysiga dimuqraadi doonka ah ee KULMIYE ayaa noqonaya taageerayaashii ugu badnaa ee hal mar xisbi ka wareegay mid kalena u wareegay halka xisbiga WADDANI uu noqonayo xisbigii ugu horeeyey ee cudud intaasle’eg oo taagerayaal ah qaabilay.