“Qaarba Ku Odhanaya Jeegaantii Maxaad U Bur-burisay Waar Maan Bur-burine Waanu Kordhinay Oo Giraan Ayaanu Ka Dhigaynaa..” Xirsi Xaaji Cali

0
1354

“Ilaahay Waxaan Ugu Mahad-naqayaa Inuu Hoolkii Maansoor ee La Garanayay Buuxsamay, Nin Kastaaba Ha Xag-xagtee Tigaadi Iyada Ayaa Hillaacda” Xirsi Xaaji Cali

Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan kana mid ahaa kooxdii shalay ku biirtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa khudbad uu ka jeediyey xafladdii garabkooda lagu soo dhawaynayay waxa uu kaga hadlay arrimo door ah oo ku aadan waxyaabaha ku kalifay inay WADDANI ku biiraan, ujeedka isbahaysiga iyo xisbiga Waddani isku kaashanayaan dhisidda qaran taabo gala iyo qodobo kale.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ugu horayn ka hadlay munaasibaddii lagu maamuusay iyo taageeryaashii waalida ahaa ee soo buux dhaafiyey hoolkii xafladdu ka dhacaysay waxaanu sheegay inaan dadka ul lagu soo xero galin balse ay rabitaankooda ku yimaadeen, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“waxaan ilaahay ku mahadinayaa inuu xafladda qiimaha badan leh inoogu qabtay iyadoo aan dhibi ina gaadhin iyadoo aan saxar ina gaadhin, iyadoo aynu ku nimi tiradii ugu badnayd ee hoolka Maansoor ee la yaqaana uu ka buuxsamo, nin kastaaba ha isku dayo inuu xag-xagto ama dhibaato u gaysto laakiin tigaadi iyada ayaa hilaacda, meesha ay barwaaqadu ka jirtaa uma baahna sharaxaad ee iyada ayaa hillaacda oo muuqata, taageerayaashayada, xisbiga WADDANI iyo xoogiisa intuba way muuqanayaan, WADDANI-na waxaanu u nimi inaanu qaranka ku bad-baadino oo aanu hogaan xumo ka bad-baadino, waxaanu doonaynaa inaanu dadka Somaliland ka saarno qob-qobnaanta qabyaaladda, waxaanu rabnaa inaanu uga saarno isku duubnida bulshada, isku kaalmaysiga wanaaga iyo horumarka, waxaanu rabnaa inaanu dadka Somaliland ka saarno is-xulufaysiga danaystayaasha waxaanu rabnaa isgarabsiga aqoonta iyo aragtida siyaasadeed ku dhisan daryeelka bulsho walaalo ah oo isku qiimeeya wanaaga, kartida iyo aqoonta”

Geesta kale Xris Cali Xaaji Xasan , hogaamiyaha xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay muhiimadda qaranimadu leedahay iyo dhibaatada qabyaaladda waxaana uu yidhi:

“waxaan abwaankii waynaa ee Gaariye AHU aan ka xiganayaa “abkuu doono ha sheegtee wuxuunbaa ehel ii ah dadka kaan af aqaano ee si wax iila arkaaya ee ay na midayso ujeedo” walaalayaal waxaa nala wayn qaranka Somaliland, waxaa laga yaabaa in saaxiibo badan oo aanu dhiig wadaagno ay qaarkood yidhaahdaan waar jeegaantii maxaad u bur-burisay, waar jeegaantii bur-burin mayno waanu kordhinaynaa oo giraan ayaanu ka dhigaynaa, ujeedayaduna waa inaanu isku xidhno qaranka inta qabiilka ku dhaadanaysa waxaan leeyahay walaal qabiil iyo qaran meel ma wada galaan aynu qaran wada dhisano aynu difaacano”