Wasiir Caddaani Oo Laba Todobaad Gudahood Dhawr Jeer Turun-turooday Iyo Nuxurka Dhaliilaha Ugu Badan Maanta Dul Hoganaya.

0
930

Turun-turooyinka uu wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid la kulmayo ayaa maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya iyadoo muddo laba todobaad gudihii ah ay dhaceen arrimo la yaab leh oo hadal iyo ficilba leh.

Wasiir Caddaani ayaa shir jar’aaid oo uu Sabtidii qabtay ku sheegay inuu Account ku shubo lacagtii hadhaaga ahayd ee ka soo hadha godkii telefishanka qaranku ku jiri jiray ee Thaicom kadib markii uu mid ka jaban u kireeyey sidii aanu todobaadkii hore idiin soo gudbinay, balse waxaa xusid mudan inaanu Wasiir Caddaani soo bandhigin xisaabta ama Account-ka saxda ah ee uu sheegay inay lacagtii baaqiga ahayd ku dhacdo, sidoo kale shacbiga iyo warbaahinta midna umuu cadayn in Account-ka ay xisaabtu ku dhacdaa yahay mid dawladeed oo lagula xisaabtami karo iyo inuu yahay mid shakhsi ah.
Sidoo kale isla shirkaasi jar’aaid ee uu sabtidii qabtay waxa uu wasiirku ka been abuuray Madaxwaynaha Somaliland oo uu sheegay inuu soo celiyey agaasimihii hore ee maamulka lacagta Xasan Maxamuud oo mar hore shaqada laga eryey kadib markii lagu helay musuq iyo wax isdaba marin.

Xasan Maxamuud oo iminka ah agaasimaha maamulka lacagaha ayuu wasiir Caddaani shaqada ugu soo celiyey go’aan shaqsi ah kadib markii uu shaqada ka joojiyey inantii booskaas ku jirtay balse arrinka la yaabka leh ayaa inuu Caddaani soo celinta Xasan Maxamuud oo musuq-maasuq ku eedaysanaa u nisbeeyo Madaxtooyada.

Geesta kale fashilka ugu wayn ee todobaadkan soo wajahay wasiir Caddaani ayaa ahaa cillad ku timi Idaacadda ku hadasha afka dawladda ee Radio Hargeysa gaar ahaan qaybteeda FM-ta oo illaa shalay aroornimadii gabi ahaanba hawada ka baxsanayd, mana jiro wax war ah oo ay wasaaraddu ka soo saartay ciladaas ku timi idaacadda. waxaana ay arrintani ku soo beegmaysa iyadoo uu wasiirka warfaafintu todobaadkii ina dhaafay shaqada ka joojiyey agaasimihii waaxda farsamada ee wasaaradda oo sababo aan cadayn uu wasiir Caddaani uga wareejiyey furayaashii xafiiska.

Dhamaan arrimahaas aynu kor ku xusnay ayaa culayska ku sii kordhinaya wasiir Caddaani oo ku haftay shaqadii wasaaradda warfaafinta oo uu joogay muddo sideed bilood ku dhaw, waxaana la filayaa inuu cadaadisku intan ka sii bato haddii aanu wasiirku habdhaqankiisa wax ka bedelin.