War Deg Deg Ah: Ciidamo Lagu Daadiyay Magaalada Hargaysa, & Guryaha Xirsi, Maxamed Biixi Iyo Aadan Siiro Oo Ciidamo La Duldhigay

0
1521

Magaalada Hargaysa ayaa caawa ka duwan sidii ay hore u ahaan jirtay, waxaana meel kasta La dhoobay ciidamo tiro badan, kuwaas oo wadooyinka magaalada ku baadhaya gadiidka, iyadoo wadooyinka laga dareemayay samxad xad dhaaf ah oo ay dhalisay baadhistu.

Geesta kale waxaa ciidamo la dul-dhigay Guryaha Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan, Wasiirkii hore madaxtooyada Maxamed Biixi Yoonis iyo Sheekha caanka ah ee Sheekh Aadan Xaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro).

Lama garanaayo sababta ka danbaysa ee xukuumaddu ciidanka ugu daadisay magaalada Hargaysa iyo sababta ay ciidanka u dul-dhigtay guryaha Siyaasiyiintan iyo Sheekhal Baladka Caasimadda Hargaysa.

Waxaase loo aanaynayaa inay arrintani dabada ku hayso, shaki Xukuumaddu ka muujisay Xaflada maalinta bari ay Siyaasiyiintii Garabkii Isbahaysiga KULMIYE ugu biirayaan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI oo sas badan ay Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ka qaadeen.