War Deg Deg Ah: Ilaacaddii Radio Hargaysa Ee FM, Oo Gubatay Iyo Wasiir Cadaani Oo Fadeexad Dhexfadhiya.

0
1059

Ilaacadda kaliya ee Somaliland ka jirta oo ah Radio Hargaysa, qaybtii FM-ta ayaa gubatay, iyadoo gabi ahaanba hawada ka maqan.

Arrintan oo loo aanaynaayo inay ka dhalatay maamul xumuda baahsan ee ka dhex jirta Wasaaradda Warfaafinta, waxay ku soo beegantay xili Waaxyadii farsamada ee Wasaaradda uu kala daadiyay Wasiirka Wasaaraddu Cismaan Saxariid Cadaani. Ilaa hadda kamay hadal Wasaaradda Warfaafintu gubashada Ilaacadda Radio Hargaysa qaybta FM-ta.

Geesta kale Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani ayaa dhex fadhiya fadeexad isagoo wali bulshada iyo war baahinta u soo bandhigin lacagtii uu ka shaxaaday godkii Satalaytka TV-Qaranka.