Gudida Komishanka Oo Kala Direy Hawl Wadeeno Muhiim U Ahaa Diyaar Garowga Doorashada Iyo Culeyska Kaliftay Gudida

0
850

Gudida komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa kala direy shaqaalihii ugu muhiimsanaa komishanka arimo dhaqaale la’aan darteed.

Ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxay gudida komishanka,balse arinkani  ayaan ka helnay xogo lagu kalsoonaan karo.

Komishanka ayaa shalay iskugu yeedhay ilaa 20 xubnood oo oo madax ka ah laamaha kala duwan ee fulisa hawsha  doorashada,kuwaasi oo ay ku war galiyeen in aan loo hayn wax mushaharooyin ah waxii ka dambeeya bishan,sidaasi darteed-na ay fasax ahaadaan ilaa inta laga helayo dhaqaale.

Waxa kale oo gudida komishanku kala direen hawl wadeenadii tobabarka shaqaalahah bixin jirey oo tiradoodu dhamayd 35 shaqaale ah,kuwaas oo ku hawlanaa fulinta hawshii cuslayd ee diiwaangalinta.

Madaxa laamaha ay saamaysay kala diristani ayaa waxa kamid ah sida wararku sheegay waaxda shaqaalaha hawlgalinta ,waaxda tababarka saadka  (Logistics) maamulka hoolalka kaydka,sharciga wacyigalinta saxaafada ,amniga,farsamada,xidhiidhka,kormeerka,hantidhawrka,IT-ga . tan ayaa ka dhigan in shaqaalihii lagama maarmaanka ahaa meesha laga saaray.

Waxaana khuburada arimahan faalaysaa u arkaan inay saamayn toos ah ku leedahay qabsoomida doorashada.

Xogaha aanu helnay waxay tilmaamayaan in arrintan ay sababtay kala qaadistii labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada oo dhawaan baarlamaanku ansixiyeen in la kala qaado dibna loo dhigo ta golaha wakiilada sidaasina ay ku raacday maxkamadda sare ee Somaliland.

Kala qaadistaas labada doorasho ayaa xumaysay sida la wariyay xidhiidhkii Somaliland iyo wadamada reer galbeedka ee dimuqraadiyadaynta ka shaqeeya.

Waxaana ay xogahan aanu haynaa muujinayaan inay taasi kalaafatay dhaqaalihii ay dalalkaasi ku bixin jireen geedi socodka hawlaha doorashooyinka Somaliland,sidaasi darteed-na ay komishanku isla garteen inay kala diraan shaqaalahani tira badan.

Xukuumadda Somaliland ayaa marar badan ku cel-celisay inay ka adag tahay bixina karayso dhaqaalaha ku baxaya hawlaha doorashada hadiiba ay dhacdo in qaadhaan bixiyayaashu diidaan in ay Somaliland ka taageeraan qarashaadkii doorashada ku baxayay.Laakiin waxa muuqata in gudida doorashadu taas ka waayay xukuumadda.sidaas darteedna-na dib uga fadhiistay qabyo tirka hawlaha baaxada leh ee laga sugayo.