Masuuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa hadda munaasibad balaadhan oo soo dhawayn ah hotel Ambassador ee magaalada hargeysa ugu samaynaya siyaasiyiin miisaan culus ku leh saaxadda siyaasada Somaliland.
Siyaasiyiintan ayaa kasoo jeeda koonfurta magaalada hargeysa iyo degmada Salaxley,waxaana hadda munaasibada lagu soo dhawaynayaa si toos ah uga socotaa hotel Ambassador ee magaalada hargeysa.
Xaflada soo dhawaynta ah ayaa waxa goob joog ka gudoomiyaha xisbiga WADDANi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,saraakiisha xisbiga iyo waliba taageerayaal tiro badan oo soo buux dhaafiyay hoolka Hotelka.