Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Hadlay Kala Xadaynta Gobollada Iyo Kiiska Nin Macalin Ah Oo Laga Soo Xidhay Laascaanood.

0
876

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay soo baxayeen muranno u dhexeeya gobollada iyo degmooyinka dalka qaarkood.

Waxa kale oo uu ka hadlay nin macalin ah oo dhawaan ciidanka boolisku ka soo xidhay magaalada Laascaanood, macalinkaas oo ka hawl geli jiray degmada Xuddun ee gobolka Sool oo uu sheegay in xadhigiisu uu la xidhiidho carruur yar yar oo naf ahaan iyo jidh ahaanba diifaysan oo lagu tacadiyay noloshooda oo loo soo qabtay ninkaa macalinka ah isla markaana ay baadhistiisu ay socoto.Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay khadka Telefoonka ugu warramayay wargeyska DAWAN.

Wasiirka Daakhiliga oo wax laga weydiiyay in xilligan xukuumadda loo baahan yahay kala xadeynta gobolladda dalka oo si looga baxo khilaafka xuduudaha ee gobolladu ku murmaan wakhtiyadda qaar, waxaanu yidhi “Horta mar kasta oo horumar yimaado hadal iyo wax kala riixashanna way soo baxdaa arrinta kala xadaynta gobollada iyo degmooyinkuna waa hawl taagan, waxaanay ka dhalatay gobollada iyo degmooyinka cusub.

Mar kastana dadku waxay jecel yihiin in ay wax kala riixdaan oo ay kala bursadaan,dadkana waa la dhegaysanayaa ra’yigooda oo xaalku maaha car juuq dheh iyo ha hadlin, laakiin waa la wada hadlayaa oo waa la doodayaa waana la dhegaysanayaa dadka oo dadku waa dadkii dalka lahaa ee deegaamada ku dhaqnaa arrintuna ma noqonayso mid ay go’aankeeda dadku leeyihiin ama ay ka talinayaan laakiin go’aanka ugu dambeeya ee kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka dalku waa shaqo u taalla Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo xukuumadda waana hawl aanu ku gudo jirno oo aanu haddaba gacanta ku hayno wax maalin iyo laba ku dhammaanayana maaha laakiin way socotaa waana shaqo lagu gudo jiro,hadalka dadka deegaanaduna ma noqonayo mid xaalad abuur keeni kara oo dalka dawlad ayaa ka masuul ah laakiin wixii aragti iyo cabasho ah waa laga dhegaysanayaa.”

Wasiirka oo ka jawaabayay sababta loo soo xidhay nin macalin ka ahaa degmada Xuddun oo ciidanka boolisku Laascaanood ka soo xidheen. Waxaanu yidhi . “Waxaa jirta carruur yar yar oo naf ahaan iyo jidh ahaanba diifaysan oo darxumo badani ka muuqato oo meel lagu hayay oo lagu tacadiyay noloshooda arrintaas ayaa loo soo xidhay baadhistiisuna way socotaa ciidanka dambi baadhista ayaana gacanta ku haya markaa ninkaa kiiskiisu baadhis ayuu ku jiraa baadhistaana laga war sugayaa.”

Wasiirka oo la waydiiyay siduu u arko in ay bulshada Somaliland ka sugaysay markii xilka loo dhiibay in uu dawladnimada gaadhsiin karo Buuhoodle iyo waxa uga qorshaysan,waxaanu ku jawaabay . “Horta maalinba meel ayaynu maraynay intay Somaliland jirtay dunidana mar kasta qabyo way jiraysaa laakin maanta Somaliland dawladnimadu dalka way wada gaadhsiisan tahay oo meel ay ka maqan tahay ma jirto deegaamada barrigana in ay wada gaadhsiisan tahay oo maamul daadejintu way ka hirgashay.”

“Waxa markhaati u ah siday diiwaan gelinta codbixiyeyaashu uga qabsoontay Buuhoodlena qorshaha ayay iigu jirtaa in si dhammaystiran dawladdu uga shaqayso imikana kama maqnin oo Buuhoodle maamul iyo masuuliyiin iyo ciidan ayaa jooga Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.